|

Cali Guray oo Dhaabadeeyay Ka Garnaqa Dacwada Ka Dhanka Gudoomiyaha Xisbiga Ucid,Wuxuu Yeeli doono Hadii Khaladka Isaga lagu Helo iyo Waxa la Quman Gudoomiye Faysal

Hargaysa 29.April 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Cali Maxamed Yuusuf ayaa ka hadlay Guda Galka Dacwada ka dhanka ah Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo Garabkoodu ay u Gudbiyeen Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka Isla markaana la filayo in Garnaqeedu uu Maalmaha fooda inagu soo haya Bilaabmo Maadaama uu dalka ku soo laabtay Gudoomiyihii Xisbiga Ucid oo Dacwadani ay si Gaar ah u Taabanayso.

cali gurayCali Guray ayaa Qoraalkan ku faafiyey Barta uu ku leeyahay Shabakada Xidhiidhka Dadweynaha ee Facebook Waxaanu Qoraalkiisu u dhignaa Sidan:- “Khilaafka UCID muxuu sharcigu ka qabaa? yaa qaldan yaa sax ah?, sharciga oo keliya ayaa ka jawaabi kara. Ma filayo inay wakhti badan qaadan karto inta jawaabta lagu heli karaa.

Gudoomiyaha waxa looga fadhiyaa inu wax ka yidhaa eedaha dhankiisa loo tirinayaa inay jiraan iyo in aanay waxba ka jirin. Hadii aanay waxba ka jirin isga ayaa leh inuu keeno, ma keeni karo eh, cadaymo lagu qanci karo. Inta ka horeysa talaaba kasta oo la qaado oo aan waafaqsanayn xeerka UCID, gaar ahaan dhinaca gudoomiyaha oo isagu is wada siiyay taladii UCID oo dhami keliya waxay sii murgin kartaa arinta murugsan ee xisbiga uu isagu gudoomiyaha ka yahay.

Kolay anigu ma jecli ilaa sharcigu hadlayo in aan la wadaago ama la qasto sharci darrada uu qasanayo. Isagu Gudoomiye xigeen buu magacwaday Gudoomiye xigeen aan aniga ahayn oo sharci ahna Xisbiga UCID ma laha. Ilaa sharcigu taa u cadaynayo gudoomiyaha aniga isku qabsan maayno lakiin sua’aashu waxay tahay hadii sharcigu sida aan filayo noqdo in aanu jirin xil uu ii magacaabay uu iga qaaday Gudoomiye xigeen kale oo aan Caligurey ahayn oo sharci ahna aanu jirin muxuu yeeli doonaa tolow.

Su’aasha kale ee laga sugayo inu sharcigu cadeeyo waa Jamaal Musharaxa rasmiga ah ee xisbiga UCID ma yahay mise waa ku meel gaadh? Tan lafteeda hadii lagaga gar helo oy cadaato in Musharaxa rasmiga ah ee UCID uu yahay Jamaal Cali Xuseen maxaa la gudboon gudoomiyaha? Anigu waxan qabaa inu xilka iska casilo waayo waxa ku cadaanaysa in aanu xalka qayb ka noqon karin ee dhibaataduba ay isaga laftiisa tahay.

 

Kolay anigu hadii aan qaladka yeesho oo sharcigu gudoomiyaha u marag furo waan iska wada casili doonaa hadii Alleh yidhaa dhamaan xilalka aanu u hayo UCID waayo waxay noqonaysaa in aan ka been sheegay Gudoomiyaha oo talaabooyin uu xaq u lahaa ku talaabsaday. Waayo aniga raaligelin aan ka bixiyo been aan ku eedeeyay Gudoomiyaha xisbiga kuma filaan karto. Markaa waa in aanan xil u haynin xisbiga

Comments are closed