|

Cali-gurey Oo Ceeb Ku Tilmaamay In Guusha Iyo Guuldarrada Cid Kasta Oo Hoggaanka Qabata Loo Nisbeeyo Beesha Uu Kasoo Jeedo

Hargaysa 24. April 2017 (SDN/QJ):- Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf(cali-gurey) oo katirsan xisbul-xaakimka KULMIYE, ayaa si cilmiyeysan u sharraxay fikirka dadka qaarkii ka qabaan murrishixiinta mansabka madaxweynenimo dalka uga tartamaysa ee sheegaya inay magacyo reereed u tartamayaan, amaba ay reero gaar ah madaxweyneyaal u noqonayaan.

Siyaasi Cali-gurey oo war qoraal oo ah oo arrintan ka hadlaya soo dhigay bartiisa Facebook-gga, ayaa deedafeeyey in qaladaadka iyo wanaagyada iyo madaxdaasi galaan loo nisbeeyo reero gaar ah, waxana uu soo jeediyey inay habboon tahay in qof walba wixii uu galo shakhsiyaddiisa loo sibir saaro, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Reero maaha waxa la kala dooranayaa. Reer musharax ahina ma jiro reer Madaxwayne noqday iyo mid noqonayaana ma jiro. Kitaabka waxa gacanta saaraa waa qof waana ka Ilaahay kala xisabtami doono maalinta xisaabta.”

 

Sidoo kale waxa uu Cali-gurey ka hadlay is-xulofaysiga amaba is-bahaysiyada ay qaar kamid ah beelaha reer Somaliland samaystaan, waxana uu xusay inaanay taasi wax cusub ahayn, isaga oo ka sheekeeyey reero hore oo is-xulafaysi soo lahaan jirey, “Reer neceb reer iyo reer jecel reer midna ma jiro is xulafaysi laba kooxood ama laba reer wax inagu cusub maaha kolay inta aan ogahay ama aan goobjooga u ahaa waa ilaa 1983kii. Wax joogto ahna may ahayn oo mar kasta laba reer uun ku koobnayd. Habar Awal oo dhan oo go’doon siyaasadeed ku jirta iyo Habarjeclo iyo Garxajis oo xulafo ahna waan u soo taagnaa,” ayuu yidhi siyaasi Cali Maxamed Yuusuf.

 

Qaabka ay Somaliland muddooyinkii ugu dambeeyey siyaasadeedda u wadday ayaa salka ku haysa is xulaysi reero gaar ah u dhexeeya, waxana arrinta si weyn u dhaqan geliyey axsaabta siyaasadda oo isku dayda inta badan guusha ku raadiyaan midnimiada reero gaar ah oo ay cududooda u arkaan in ujeedooyinka ay leeyihiin ay ku gaadhi karaan.

Comments are closed