|

“Dugsiyada Siyaasadda & Afduubka Carruurta u haysta, Waalidiintaay ka soo Kaxaysta..” Is Maandhaaf u Dhexeeya Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Iyo Dugsiyadda Gaarka loo leeyahay DAAWO  

Boorama 24. April 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Mudooyinkii u danbeeyay soo noq noqonayay Is maandhaafyo u dhexeeya Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Iyo Qaar ka mid ah Dugsiyadda Gaarka loo leeyahay.

Maamulayaasha iyo Masuuliyiinta Sagaal ka tirsan Dugsiyada Sare ee gaarka loo leeyahay ee ku yaalla magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, ayaa diiday inay buuxiyaan Foom ay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland ka dalbatay inay soo raaciyaan Ardayda sannadkan 2017-ka u fadhiisanaysa Imtixaanka Shahaadiga ah.

 

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdillaahi Ibraahin Habbane (Cabdillaahi-Dheere) oo ay weheliyaan Masuuliyiin Wasaaraddaas ka tirsan iyo Maamulayaasha Dugsiyada gaarka loo leeyahay ee Boorama, ayaa kulan ku yeeshay Boorama, kaas oo ay Maamulayaashu si cad ugu sheegeen inaanay aqbalaynin Foomka Wasiirku ka dalbaday oo ah inay soo raaciyaan Ardayda baxaysa sannadkan Caddaymaha Dugsiyadii hoose iyo dhexe ee uu soo maray.

 

Hase-yeeshee, Wasiirka Waxbarashada Cabdillaahi-Dheere, ayaa sheegay in ay siyaasad kale ka dambayso Maamulayaasha diiddan Caddaymaha looga baahday markii la ogaaday inay kala badan yihiin Ardayda ka baxda Dugsiyada Sare iyo Ardayda Dugsiyada dhexe ka baxda, balse ay diideen, sidaas awgeedna, waxa uu ugu baaqay Waalidiinta inay Carruurtooda ka soo kaxaystaan Sagaalka Iskuul ee amarka Wasaarkiisa diiday.

 

Waxa uu Wasiir Habbane sheegay in Dugsiyada diiday amarkaas ay yihiinn kuwo Siyaasad kale la haysta, isla markaana u haysta ama aamminsan inay Carruurta iyagu iska leeyihiin oo ay u afduuban yihiin Ardayda ay wax baraan. Hase-yeeshee, uu Waalidiinta ka codsanayo in Ardaydooda ay Imtixaanka Shahaadiga ah la doonayaan inay u fadhiistaan ka soo kaxaystaan Sagaalkaas Dugsiba, isla markaana lagu qaabbilli doono oo Foomamka lagaga buuxbuuxin doono Dugsiga Sheekh Cali Jawhar ee isla magaalada Boorama Axaddii Shalay laga bilaabo.

Comments are closed