|

Cali Gurey Oo Si Maangal ah uga Hadlay Qaban Qaabada Aaska Cali Samatar,Weedho Adag Oo Uu Hawada u Mariyey Xukuumadda Somalia & Qirashadii Samatar ee Amarkii Lagu Burburiyey Somaliland Laguna Xasuuqay Dad Rayid ah DAAWO

Hargaysa 25 August, 2016-(SDN/QJ):– Muj Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey) oo Jawaabtii ugu Adkayd u Direy Kuwa Ku Mashquulsan Qaban Qaabada Aaska General  Maxamed Cali Samatar, oo loo Tirinayo in amar ka soo baxay Lagu Xasuuqay Shacbi Somaliland ah oo aan Waxba Galabsan,Waxaanu Fariin Culusna Hawada u Mariyey kuwa Muqdisho Jooga ee Maxamed Cali Samater Maamuus aanu u Qalmin u Sameynaya.

Jeneraal-Maxamed-Cali-Samatar-400x218

Photo File: Maxamed Cali Samatar

Muj Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey) oo Qoraalkan ku baahiyey Barta uu Facebookga ku Leeyahay, ayaa Qoraalkiisu Dhignaa sidatan:

ANAGAA KU DIRIRNOO

DURBA DIIR U GELINOO DUNI KALE ABUURNEE

DHISNAY DAARIHII DUMAY

IYO QAAR KA SII DARAN

Saamax naakum Marxuun Maxamed Cali Samater. Wuxu geystay Allahiisa ayuu la hor tegay shar iyo khayr oo kala xisaabtami doona.

Somalia aas qaran ha u samayso sanad walbana xus ha u qabato ninkii BBCda ka qirtay ee yidhi “aniga ayaa bixiyay amarka in maalin kasta maatada iyo maxasts Hargaysa 500 oo isugu jiray madaafiicda goobta ee kala duwan iyo hoobiyaha nooc kasta uu yahay iyo weliba Rocketka darandooriya BM21ka cirkana laga garaaco”.

Hubkaa dadkii lala beegsaday ee ku dhintay 97% waxay ahaayeen dad rayid ah oo aan waxba galabsanin. Kuwa taa ku faraxsan ee ku karaamaynaya waxan leeyahay yeelkiin mar hadii aan Calankaa buluukiga ah dib dambe looga taagi doonin bartii markii ugu horaysay laga taagay isaga oo xor ah. Karis xunna iyadaa wax ku la’.

Hargaysi maanta ayay ka wayntahay oo ka qurux badan tahay. Hargaysa nin jecel iyo nin neceba way tarantay oo intii ku dhimatay Ilaahay baa u cawilay oo waxa ku nool intii ku noolayd laban laabkeed iyo sedex laabkeeda. Xunyahow xunku dhalay dib looguma odhan oo dhegahoodu may maqlin laga bilaabo 31kii May 1988kii maalintii ciidankii SNM uu xabadda ka bilaabay Taliskii Qaybta 26 aad ee Ciidankii Dawladii Siyaad Barre. Markaa fariinta aan Muqdisho anigu u dirayaa hadal iyo dhamaantii Maydka Cali Samater idiin kuu idiin yaal ama aas qaran ku aasa ama cuna hadaa doontaan anaga nooma yaal balse keliya waxan idin xasuusin lahaa haday digasho idinka tahay GUUSHA LAGUMA DIGTO anagu waanu ka guulaysanay Cali Samater wax aanu u haysanaana ma jiro Ilaahay ha u naxariisto ayaan leeyahay. Ilaahayna wuxu yidhi subxaanuhu wa tacaalaa ” WALLAAHU YAXKUMO BEYNA CIBAADIHII FIIMAA KAANUU FIIHI YAKHTALIFOON” . ayuu hadalkiisa ku xidhay Gudoomiye ku xigeenkii sadexaad ee xisbiga Ucid.

Halkan Hoose Ka Dhagayso Waraysi ay BBC ka Qaaday Markii Ciidamadii Somalia ay Xasuuqa u gaysteen Dad Rayid ah Isla Markaana uu Cadeeyay inuu Isagu Bixiyey Amarka lagu Duqeeyay Hargaysa Iyo Burco.

Comments are closed