|

Guddoomiyaha Ururka SOLJA oo Madaxweyne  Siilaanyo ku hor Kashifay Musuqmaasuqa Mid ka mid ah Hay’adaha Dowladda

Hargaysa 25.Aug 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa Madaxweyne Axmed-Siilaanyo hortiisa ka caddeeyey Sanduuqa horumarinta Mashaariicda ee Somaliland Development Fun (SDF) uu Cunaha qabtay Mashaariicdii horumarineed ee ay Saxaafadda Somaliland heli jirtay, isla markaana Lacag Dhan Laba Milyan iyo Badh oo Doollarka Maraykanka ah oo loogu talo-galay Warbaahinta Sanduuqaas ay ku jirto.

XuutoWaxa uu Guddoomiyaha SOLJA Madaxweynaha ka codsaday in Lacagtaas lagu sameeyo Iskuul Saxaafaddu wax ka barato oo u gaar ah, maaddaama oo uu yahay Madaxweynihii dalka iyo dadka, Dhaqaalahaasna wax lagu qabtay jirin ee Sanduuqaas lagu leexiyey. W

axaanu sidaa ku sheegay Xuuto hadal uu ka jeediyey Xaflad lagu soo bandhigayey Saxeexa dad hal Milyan oo Qof ka badan oo Wasaaradda arrimaha dibeddu xaflad ugu samaysay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa oo Madaxweynuhuna ka qaybgalay.

 

“Madaxweynaha Somaliland waxaan fursaddan uga faa’iidaysanayaa inaanay Suxufiyiinta inaanay marnaba Somaliland hagardaamo ku hayn, laakiin cidda hagar-daamo ku ah iyo cidda ku loolamaysa oo ah Siyaasiyiinta in looga baahan yahay inay is-xakameeyaan, oo marka mucaaradka la yahayna laga hadlo, marka kursiga la fadhiistana aan indhaha laga qarsan wixii shalay laga hadlayey.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha SOLJA.

 

Guddoomiye Xuuto waxa uu intaas ku daray; “Saxaafaddu Xukuumadda KULMIYE wax badan bay la soo qabatay.. Sannadkan waxa loo guuray horumar, Mashruuca Sanduuqa horumarinta Somaliland (SNDF), runtii caqabad buu ku noqday Mashaariicdii yaryarayd ee Ururrada Saxaafadda la siin jiray. Waxaa ku jira lacag dhan Laba Milyan iyo Badh Warbaahinta loogu talogalay.”

 

“Caqabadda ka taagan ee keentay in wax si qaldan loo fasiro in wacyigelintii dadka la siin lahaa aanay suurtagelin. Mashruucaa Lacagta ku jirta waxaannu ugu baaqaynaa Madaxweynaha Somaliland inuu ka sameeyo Iskuul Saxaafaddu wax ka barato.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Uruka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (XUUTO).

Comments are closed