Hargeysa:Mar,12,2015(SDN/QJ)-Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si adag uga jawaabay Hadallo uu dhawaan Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ku weeray Somaliland.
Hadallada Cali khaliif oo salka ku hayey Eedo uu Somaliland ugu jeediyey Burburka Shirkii Guuldarraystay ee Turkiga, ayaa uu Mujaahid Muuse Biixi ku sheegay qaar aan munaasib ahay.
Muuse Biixi oo ka Hadlayey Munaasibadii Kulmiye ee Maanta Hutel Mansor, ayaa ku dheeraaday Taariikh lama ilaawaan ah oo Cali khaliif lasoo maray Reer Somaliland, taas oo ay ugu dambaysay xilli uu han madaxweyne ka lahaa Gudaha Somaliland,“Maalmahan dambe waxaynu arkaynay ninka la yidhaahdo Cali Khaliif oo Gaadhsiyey Somaliland inuu ku yidhaadho Wan weyni ilaa la gawraco Indhihiisu cirka ma arkaan, Cali Khaliif oo Oday Reer Somaliland ah oo kamid ah Raggii Dalka Wax u bartay eek a Baxay Dugsigaas Sheekh.waxan uu goob joog u ahaa 191-kii inta badan shirarkii lagu aasaasay ee Dib loogu soo celiyey Somaliland”ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.
Muuse Biixi Oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inay wax lala yaabo tahay Hannaanka maanta Cali khaliif Somalilnad ula Hadlayo iyo Dariiqii dheeraa uu hore usoo maray, waxana uu yidhi,
“Waxa uu Joogay Shirkii Borame, waxa uu u tartamay Madaxweyne Ku-xigeen, waxana uu ahaa Ninkii Sanad kahor Dardaarankiisa soo mariyey Warbaahinta ee yidhi Xamar baa la igu dilayaa, waxase La yaab leh Cali Khaliif oo intaas oo dhan joogay iyo halka uu maanta ku heesay sida ay isu qabanayaan.”
Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, ayaa dhawaan Somaliland ku canaantay Burburka Shirkii Turkiga, waxana uu tilmaamay inay Somaliland leedahay Sababta uu shirkaasi u burburay.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
