|

CARTE: “Anigu Gurigaygii Oo Hargeysa Ku yaalla ma tagi karo, Sababtu waa Maxay?”

cumar carte qaalib
Muqdisho,1,7,2016 (QJ/SDN) – Raysal-wasaare ku xigeen dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa sheegay In aanu tagi karayn gurigiisa oo ku yaalla magaalada Hargeysa, isagoona arrintaasi sabab uga dhigay midnimada Soomaaliya oo uu aaminsanyahay.

Maxamed Cumar Carte oo ka hadlaayay munaasibad lagu xusaayay 1july,1960kii israacii Soomaalida, ayaa yidhi; “Anigu gurigaygii Hargeysa ma tagi karayo, waxaan doonayaa qiimaha ay nagu leedahay in aad fahan taan [midnimada] baan doonayaa, Anigu Hargeysa oo gurigaygii ku yaallo ma tagi karayo, sababtu waa maxay, maxaan u tagi kari waayay? Inaan is wadyiino weeye qiimaha aad ku qiyaasaysaana taas ayaa laydinka rabaa.

Sidoo kale, raysal-wasaare ku xigeenka Somalia waxa uu sheegay in dadka reer Somaliland u taaganyihiin midnimada Somalia, isagoona sheegay in sidii aabayaashood ay naftooda u hureen ay iyaguna u huri doonaan.

“Anaku haddaanu nahay reer Woqooyi  dadkayaga woqooyi kasoo jeeda ee Somaliland kasoo jeedaa waxaanu u taaganahay waa Midnimo … hadddaanu midnimo u taaganahay sidii anaka ay aabayaasheen ay u hureen naftoodii ee ay  u keeneen midnimadii ayaanu anakanu u taaganahay” ayuu yidhi Maxamed Cumar Carte – Raysal wasaare ku xigeenka Somalia.

Ugu danbeyntii, Munaasibadda 1july ayaa sanad kasta laga xusaa dalka Soomaaliya, iyadoona inta badan aan munaasibadan laga xusin gobollada Somaliland oo iyagu horseed u ahaa midnimada Soomaalida.

Si kastaba ha ahaatee, Hadalka Maxamed Cumar Carte ayaa kusoo beegmaya xilli sanadkii hore uu sidan oo kale u sheegay wasiirka dekadaha Soomaaliya in aanu isaguna tagi Karin gurigiisa oo ku yaalla magaalada Hargeysa.

Comments are closed