|

Xisbiga Waddani Oo Shaaciyey inay ku soo Biirayaan Garabkii Isbedel doonka Xisbiga Kulmiye,Magacyadooda Iyo Xiliga ay dhacayso Munaasibada ku Biiristu

Hargaysa 01.July 2016 (SDN/QJ):- Garabkii Isbedel doonka Xisbiga Kulmiye ee Ka Cadhooday Natiijadii ka soo baxday Shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa la sheegay inay si rasmi ah ugu biirayaan Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani kadib Wada Xaajood u socday in Mudo ah.

Isbahaysiga Kulmiye iyo Waddani

                                             Photo File

Xoghaye ku Xigeenka Siyaasadda ee Xisbiga Waddani Maxamed Abiib Yuusuf, ayaa sidaas ku sheegay qoraal kooban oo uu soo dhigay oo uu soo dhigay Barta uu ku leeyahay Mareegta Xidhiidhka Dadweynaha ee Facebook, kaasoo uu ugu bushaareeyey kuna war-galiyey dhammaan Taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee ku kala sugan dalka guddihiisa iyo dibeddiisa-ba inay ogaadaan in Xisbigooda Mucaaradka ee WADDANI Si Rasmiya ugu soo biirayaan Bacdal Ciida Ramadaan Siyaasiyiinta miisaanka culus leh ee Garabka Is-bahaysiga Xisbiga KULMIYE.

Qoraalka Xoghaye Ku Xigeenka Siyaasadda ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md Maxamed Abiib Yuusuf, isagoo dhamaystiran waxa uu dhig-naa sidan:- “Dhammaan Taageerayaasha Bah-weynta Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, waxaanu u Sheegayaa in Bacda Ciidka ay Xisbiga kusoo Biiri doonaan Garabkii Xooga Badnaa ee La Magac-baxay Is-Baahaysiga KULMIYE. Runtiina ahaa Ruuxdii Iyo Udub Dhexaadkii KULMIYE ee Dhaliyay Guushii 2010-KII iyo Aas aasayaashii-ba ah oo ay Horkacayaan.Idanka Rabi.

Waan hubaa inay Tamar Cod Cudud iyo Cuud kusoo Kordhin doonaan taageeradda Xisbiga WADDANI. Haddaba Hawlaha Xisbiga waa la Dardar Galinayaa u Diyaar Garooba meelkasta oo Aad joogtaan Mooralka iyo Niyada Xoojiya. Dhab ahaana marka la Abla Ableeyo Xisaab Ahaan Inagaa Waddana Waa Halkii Mr Axmed Xasan Cawke ilaahay Ha u Naxariistee”.

Magac-yadda masuuliyiinta iyo siyaasiyiinta garabka is-bahaysiga KULMIYE.

1.Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyadda Md Xirsi Cali Xaaji Xasan.

2.Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka Md Xuseen Axmed Caydiid.

3.Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Prof Faarax Cilmi Geeddoolle.

4.Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Is-kaashiga Caalamigaa Md Maxamed Biixi Yoonis.

5.Wasiirkii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

6.Wasiir Ku Xigeenkii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka Md Cali Cabdi Saa’diq (Cali-Dheere).

7.Wasiir Ku Xigeenkii hore ee Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda Md Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan.

8.Wasiir Ku Xigeenkii hore ee Wasaaradda Dib-u-Dajinta Marwo Nimco Xuseen Qowdhan.

9.Wasiir Ku Xigeenkii hore ee Wasaaradda Deegaanka Md xmed Maxamed Nuur Jibriil.

10.Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warsheddaha Md Mowliid Waris Cabdillaahi.

11.Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye.

12.Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle.

Allaa Mahad Leh

Ku Xigeenka Siyaasadda Xisbiga WADDANI

Md Maxamed Abiib Yuusuf.

Comments are closed