Cudurka Jadeecada Oo Deegaanka Qorilugud Hal Qof Ku Dilay, Daraasiin Kale Oo U Jiifa Iyo Doorkii Wasaaradda Caafimaadka Oo Gaabis Ah DAAWO

Qorilugud 02. March 2017 (SDN/QJ):- Hal qof, ayaa u geeriyooday xanuunka Jadeecada oo faro baas ku haya dadweynaha ku dhaqan degmada Qorilugud ee gobolka Buuhoodle, waxana ujiifa dad tiradoodu lagu sheegay ilaa 300(saddex boqol) oo qof. Dadkan oo  intood  badan laga soo qaaday deegaannada Miyiga, ayaa waxa ay la deris yihiin xaalad adag, waxana ay…

Read More

Sawir Laga Qaaday Kacbada Barakaysan 63 Sano Ka Hor Oo Muujinaya Quruxda Iyo Haybadeeda!

Makah 02. March 2017 (SDN/QJ):- Waxa jira sawiro aad u muhiim ah oo muujinaya taariikho aad u badan iyo sidoo kalena waxa uu sawirka taariikhiga ahi ina tusinayaa is badalka ballaadhan ee ka socda Dunida guudkeeda. Sawirkan Kacbada Barakaysan ayaa waxa la qaaday muddo 63 sano ka hor ah waxaana waqtigaasi ka talinayay Boqor Cabdilcasiis,…

Read More

Gabadh Dhashay 69 Carruura Oo Geeriyootay Iyada Oo 40 Jir Ah !

Gaza 02. March 2017 (SDN/QJ):- Haweenay u dhalatay Dalka Falastiin ayaa waxay dhashay 69 carruur sida uu warbaahinta u sheegay Ninkeeda oo qariyay magaciisa waxaanay gabadhani ku noolayda magaalada Gaza ee Dalka Falastiin, waxaanay geeriyootay maalintii Axadii ee toddobaadkii hore. Warbixintan oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay shabakada Gaza Al’aan ayaa waxay sheegtay in gabadhan…

Read More

“Wasiir Cadaaniyoow Munaafiqadda Iskadda, Habeenkiina Xisbi Baad Tahay Maalintii na Xisbi Kale.”.Xoghayaha Caddaaladda ee Waddani DAAWO

Hargaysa 01. March 2017 (SDN/QJ):-Xoghayaha cadaaladda Xisbiga WADDANI Md.Barkhad Jaamac Xirsi Batuun, ayaa si adag uga hadlay hadalo deel-qaaf oo ka soo yeedhay wasiirka wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-gelinta Somaliland oo hadalo been abuur ah ku soo eedeeyey Xisbiga WADDANI, waxaana uu sheegay in wasiirka warfaafintu uu yahay munaafaq aan la garaneyn cidda uu taageersan…

Read More

Taxanihii Qisaska Nolosha Iyo Tusmadii Xusuus Qor Dhakhtar-Ilkood ‘’Qaad Dariiqa Rajada”’ Kala Soco Qurbejoog DAAWO

Hargaysa 01. March 2017 (SDN/QJ):- Waa Qormadii Taxanaha ahayd ee Xusuus Dhakhtar Ilkood oo ay inoo Soo diyaariso Drs Hibaaq C.raxmaan Buubaal oo ah Dhakhtarad Aqoon durugsan u leh Xanuunada Ilkaha kana Shaqaysa Magaalada Hargaysa. Waxay Taxanahan inoogu soo bandhigaysaa Khibrad ay ka heshay Mudadii ay ka shaqaynaysay Mihnada dhakhtarnimo,Waxaana si Joogto ah Taxanahan idiinku…

Read More

‘’Nasiib darro Gudoomiyaha Guurtidu mudadii sharciga ahayd wuu ka warwareegay in Golaha oo Fadhiyay uu hordhigo si uu uga kaguto waajibkiisa dastuuriga ah, waxa bilaabmay political vacuum’’ Cali Guray

Hargaysa 01. March 2017 (SDN/QJ):-Ka dib saqbadhkii xalay Somaliland waxay gashay meel la’aan(Vacuum) uu Gudoomiyaha Guurtidu si badheedh iyo ula kac ah u geliyay markii ugu horeysay taariikhda Somaliland ilaa 1991kii. Madaxwaynuhu Maxkammadda sare wuxu u gudbiyay qoraal uu ku lifaaqan yahay muddo kordhintii lagu wada heshiiyay,Waxaa Sidaas Qoraalkan Ku Bilaabay Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf…

Read More

Baarlamaanka Somalia oo Si La Yaab Leh Codka Kalsoonida u Siiyay Raysal Wasaaraha Cusub ee Somalia ee Madaxweyne Farmaajo Magacaabay

Muqdisho 01. March 2017 (SDN/QJ):- Waxaa maanta si rasmi ah xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho uga furmay kalfadhiga 1-aad ee Baralamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana si rasmi ah u furay Kalfadhiga Madaxweynaha Soomaaliya. Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo kulanka furay ayaa Xildhibaanada Aqalka hoose ka codsaday in ay codka kalsoonida siiyaan Ra’isul Wasaraha cusub ee…

Read More

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Mr Caddaani oo Eedaymo Xoogan u Soo Jeediyey Xisbiga Waddani,Kana Hadlay Mudaharaadka London & Mudo Kordhinta Xukuumadda DAAWO

Hargaysa 01. March 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyigalinta Somaliland Md, Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa waxa uu kaga hadlay dhawr arimood oo ay ka mid tahay mudaharaadka Maalinta Beri ah la Filayo inuu Ka Dhaco Magaaladda London Isla Markaana Qaar Qaybo ka mid ah Jaaliyadda Somaliland…

Read More

Wasaarad Dhawaan Lagu Soo Kordhiyey Golaha Xukuumadda Oo Amartay In Albaabada Loo Laabo Xarun Uu Madaxweyne-Ku-Xigeenku Daah-Furay+Sababta DAAWO

Hargaysa 01. March 2017 (SDN/QJ):-Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland Oo  Amartay In Albaabada Loo Laalbo Xarunta Cusub Ee Akaademiyadda Fanka, Iyo Cilmiga Oo Dhawaan Uu  Madaxweyne-ku-xigeenku Daah-furay taas Oo Ka Shaqaynaysa Horumarinta Cilmiga, Teknoolajiyadda iyo Fanka. https://www.youtube.com/watch?v=NJLuPEBpdtI

Read More

Xeelad Cusub Oo Loo Tahriibiyo Dhallinyarada Hargaysa, Halka La Mariyo + Ciidanka Booliska Oo Gacmaha Ka Laabtay Waxka Qabashadeeda

Hargaysa 01. March 2017 (SDN/QJ):-Waxaa Maalinba maalinta ka dambaysa sii siyaadaya nidaamka iyo qorshaha lagu tahriibinayo da,yarta ubaxa u ah waddanka somaliland waxaana magaaladda hargaysa dhexdeeda ka shaqeeya goobo fara-badan oo mudooyinkii ugu dambeeyay soo badanayay kuwaas oo boodhkooda ku xardha “travel agency” waxaanay dhallinyaradda u sheegayaan in ay si fudud ku gaynayaan Turkiga iyo…

Read More

Sil Silad Suugaanley Shiinley ah oo Waaqaca Somaliland Ku Jirto Ka Hadlaysa oo Ka Dhex Curatay Barta Xidhiidhka Bulshada ee Facebook AKHRI

Hargaysa 01. March 2017 (SDN/QJ):- Silsiladan SHIINLEYDA- oo todobaadkan gudihiisa ka bilaabantay Barta Facebook ayaa ka dhalatay meerisyo kooban uu abwaan Sidiiq Burmad kaga hadlayay shirarka jaraaid ee sida bilaa ujeedada ah maalin walba loo qabto. Waxayse taxane maansooyin silsilad ah isku badashay markii abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax uu kaga jawaabay maansada ugu horaysa maansooyinka…

Read More

Wasiirka Hawlaha Guud Oo Ka Hadlay Warar Lagu Sheegay Inuu Gacan Ka Hadal Dhex Maray Wasiirka Tamarta DAAWO

Hargaysa 01. March 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo guryeynta Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan), ayaa ka hadlay Warar dhawaan ku soo baxay Wargeysyada ka soo baxa Hargeysa, kaasi oo sheegayey in Dagaal Gacan ka hadal ahi dhex maray isaga iyo Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Eng. Xuseen Cabdi Ducaale.

Read More

Mudaharaad Lagaga Soo Hor Jeedo Saldhiga Mileteri oo Beri London Ka Dhacaya,Madaxda Sadexda Xisbi ee Uk oo Qaadacay & Dulucda Baaq ay Direen DAAWO

London 01. March 2017 (SDN/QJ):- Kulan ay Isugu Yimaadeen Hogaanka Jaaliyadda Somaliland ee Magaaladda London Iyo Madaxda Sadexda Xisbi qaran ee Somaliland ayaa ka Digay Dad Wiiqaya Qaranimada Somaliland oo Sheegay inay Mudaharaad ka hor dhigi doonaan Safaarada Imaaraadka ee Magaaladda London Waxayna Baaq u direen Guud ahaan Jaaliyadda Somaliland ee Uk.

Read More

Madaxwayne-Kuxigeenka JSL Oo Daah Furay Mashruuca Sannadlaha Ah Ee Horumarinta Dawladaha Hoose Ee Dalka (JPLG) Isla Markaana Saluug ka Muujiyey Qoondada Dhaqaale ee Sannadkan DAAWO

Hargaysa 01. March 2017 (SDN/QJ):- Madaxwayne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa daah furay mashruuca sanadlaha ah ee  horumarinta dawladaha hoose ee dalka ee loo yidhaa (JPLG). Mashruucan oo sanadkan 2017 ay soo qaban qaabisay Hay’ada UN Habitat ayaa lagu soo bandhigay miisaaniyada sannadkan ay u qoondeeyeen dawladaha hoose…

Read More

Gudoomiyaha Gobolka Sanaag & Saraakiisha Ciidanka Qaranka oo Si adag uga Hadlay Shaqaaqooyinka Deegaanka Degmada Ceel Afweyn DAAWO

Ceel Afweyn 01. March 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Gobolka Sanaag oo ay Weheliyaan Saraakiil Sare oo ka Tirsan Ciidamadda Qaranka ayaa Kormeer Ku Soo Maray Deegaano Hoos Taga Degmada Ceel Afweyn oo ay hore uga dhaceen Shaqaaqooyin ka dhex dhashay Laba beelood oo Walaalo ah oo Jiidahaasi wada dega.

Read More