“Iyadoo La Keeno Heshiis Cad Mooyaane, La Aqbali Maayo Saldhigga Berbera Xitaa Haddii Lacag Lagu Ansixiyo” -Sheekh Aadan-Siiro DAAWO

Hargeysa 11. February 2017 (SDN/QJ):-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa mar kale ka digay Saldhig Milletari oo Dawladda Imaaraadku ku yeelato Magaalada Berbera ee Somaliland, kaasi oo uu ku tilmaamay Dagaal aan Waddo lahayn. Sheekha oo Khudbaddii Jimcaha ee Shalay ku soo qaatay Ahmiyadda uu Islaamku siiyey Wada-tashiga, ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya…

Read More

Banaan bax weyn oo maanta ka dhacay Muqdisho iyo Masuuliyiin ka qeyb gashay DAAWO/SAWIRO

Muqdisho 11. February 2017 (SDN/QJ):-Waxaa maanta Taalada Dal jirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho lagu qabtay banaan bax aad u weyn oo lagu taageerayay Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Banaan baxa uu soo abaabulay maamulka gobolka Banaadir waxaa kasoo qeyb galay dadweyne aad u tiro badan oo ka kala yimid 17-ka degmo ee…

Read More

Guddoomiye Cirro Muxuu Ka Yidhi Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya?

Hargeysa 11. February 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa hambalyeeyey madaxweynaha cusub ee loo doortay dawladda dalkaasi Somaliya Md.Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana uu sheegay in aanay jirin wax cabsi ah oo laga qabo karo madaxweynahaasi isaga oo dhanka kale na u rajeeyey in uu sii wadi…

Read More

Oday dhaqmeedka Gobolada Galbeedka S.land Oo Ka Digay Dhibaatada Ka Dhalan Kartaa Saldhiga Milatari Ee Imaaradku Doonayo In Uu Ka Hirgeliyo Magaalada Berbera DAAWO

Boorama 11. February 2017 (SDN/QJ):- Odayaasha dhaqanka ee Gobolada Galbeedka S.land ayaa Cod Dheer Waxay Kaga Digeen Dhibaatada uu Somaliland u Horseedayo Saldhiga Mileteri ee Imaaraadku ka dalbaday in laga Siiyo Magaalo Xeebeedka Berbera Waxayna Fariin u direen Xukuumadda Somaliland.

Read More

Nuxurka Wadahadalladii Dhexmaray Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya iyo Weftiga Somaliland ee Guddoomiyaha KULMIYE SAWIRO

Addis Ababa 11. February 2017 (SDN/QJ):-Ra’iisal-wasaaraha dalka Itoobiya Mr. Hailemariam Desalegn iyo wefti ka socda Somaliland oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan meeqaamkiisu sarreeyo oo ay ku yeesheen qasriga Madaxtooyada looga taliyo waddanka Itoobiya Khamiistii waxay kaga wadahadlay arrimo ku saabsan xoojinta iskaashiga iyo xidhiidhka ka dhexeeya labada dal….

Read More

Madaxweyne Farmaajo oo Markii ugu horeesay isaga oo Madaxweyne ah tagay Villa Somalia Kulan gaar ahna la qaatay Madaxweynaha Xilka ka Sii Degaya SAWIRO

Muqdisho 11. February 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta markii ugu horeesay isaga oo Madaxweyne ah waxa uu booqasho ku tagay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee dhawaan lagu wado in uu dego kuna shaqeeyo. Farmaajo iyo xubno kale oo la socday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynhii hore ee Soomaaliya…

Read More

”Ma Jiro Qodob Sharci oo Guurtida iyo Wakiiladda ka Dhaxaysiinaya Gelista Heshiisyada Caalamiga ah ee Xukuumaddu Gasho Waxa Awood u Leh oo Qudha Golaha Wakiiladda” Xildhibaan Qabile DAAWO

Hargeysa 11. February 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka Tirsan Golaha Wakiiladda ayaa Cadeeyay in aanu Jirin Qodob Labada Gole ee Guurtida Iyo Wakiiladda ka dhaxaysiinaya Gelista Heshiisyada Caalamiga ah ee Xukuumaddu Galayso.  

Read More

Wasiir Caddaani oo Ka Warbixiyey Waxyaabaha uu Somaliland u Horseedayo Saldhiga Mileteri ee Imaaraadka Iyo Khudbada Beri ee Labada Gole DAAWO

Hargeysa 11. February 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalinta Somaliland md,Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani oo  shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta ayaa waxa uu kaga hadlay arimo ay ka mid yihiin kulanka madaxweynaha iyo labada aqal baarlamaan iyo xukuumada cusub ee loo doortay dalkaasi soomaaliya ee aynu jaarka nahay. Waxana uu jawaabo adag ka…

Read More

Kulanka Beri ee Madaxweyne Siilaanyo uu Ku Hor Tagayo Labada Gole ee Guurtida Iyo Wakiiladda & Shacabka oo Daymo Gaar ah u leh

Hargeysa 11. February 2017 (SDN/QJ):-Madaxweyne Siilaanyo ayaa wuxuu Axadda beri kulan la yeelanayaa labada gole baarlamaan ee guurtida iyo wakiilada, waxaana laga yaabaa inuu noqdo kulankii u dambeeyay ee uu wada jir ula yeesho labada gole, maadaama dabayaaqadda sannadkan ay doorasho aanu ka qayb galaynin dalka ka qabsoomayso. Kulankan oo ay ujeedadiisu tahay inuu Madaxweynuhu…

Read More

”Waxaan Arkayay Rag Leh Dagaalka Dhex Kama Nihin,Ma Ogi Goor uu Dalkeenu Qaatay Dagaal aan Dalkeena Lagu Dagaalamayn” Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan

Hargeysa 11. February 2017 (SDN/QJ):-Hoggaamiyaha xisbiga Waddani Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa soo jeediyay in la joojiyo in saldhig milatari dawladda Imaaraadka Carabta laga siiyo madaarka Berbera. Hoggaamiye Xirsi oo shalay u waramay weriye Badri Koosaar oo ka tirsan Star TV, wuxuu soo jeediyay inaan balaayo loo yeedhan oo aan Somaliland si fudud loo…

Read More

”Wax Heshiis ah oo la Galay Ma Jiro,Anigu Ma Saxeexayo Waxaan Danta Somaliland Ku Jirin” Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland DAAWO

Hargeysa 11. February 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay inaanu shakhsiyan marna saxeexi doonin heshiis aanay dani ugu jirin qaranka iyo dadka reer Somaliland. Wasiir Sacad oo shalay saxaafadda la hadlay isagoo horkacayay wefti ka soo laabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, wuxuu kaloo sheegay inaanu jirin ilaa hadda…

Read More

Itoobiya, Ingiriiska, Maraykanka Iyo M. Afrika Oo Soo Dhaweeyay Doorashada Farmaajo

Muqdisho 11. February 2017 (SDN/QJ):-Dowladda Itoobiya ayaa soo dhaweysay doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, waxaana ay ammaan u jeedisay sida ay doorashada u dhacday. War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Raysal-wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa lagu sheegay in Raysal-wasaaruhu ammaanay sidii ay u dhacday Doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya loogu doortay Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Warka, ayaa…

Read More

Xisbiga KULMIYE & Garabkii Toosinta WADDANI Oo Ku Heshiiyey Inay Midoobaan

Hargeysa 11. February 2017 (SDN/QJ):-Xisbal-xaakimka haya talada Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE iyo garabkii Toosinta & Caddaaladda ee xisbiga WADDANI ee uu hoggaaminayey Axmed Muumin Seed, ayaa ku heshiiyey inay si rasmi ah u midoobaan. Shir jaraa’id oo guddiyadii wadahadalka u matalayey xisbiga iyo garabka Toosinta ku qabteen huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa maanta oo uu…

Read More

Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan & Farriin ku socota Madaxweyne Farmaajo

Hargeysa 11. February 2017 (SDN/QJ):- Marka hore waxaan kugu hambalyeynayaa xilka madaxweynenimo ee ay kuu doorteen baarlamaanka Soomaaliya. Waxan kuu rajaynayaa in aad noqoto kii ka taga taariikh wanaagsan dadkiisuna ka helaan wixii ay ka filayeen. Waxaad tahay siyaasi muddo gaaban ku jiray saaxadda siyaasadda oo aan weli si dhab ah loo tijaabin marka laga…

Read More

Dawladda Somaliland Oo Farriin U Dirtay Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya

Hargeysa 11. February 2017 (SDN/QJ):-Madaxtooyada Somaliland, ayaa ka hadashay Doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, kaasi oo Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanku cod gacan taag ah ugu doorteen Madaxweynaha Soomaaliya hoggaamin doona Afarta Sannadood ee soo socda. War-saxaafadeed uu Maanta Magaalada Hargeysa ka soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Cige (Xuseen-Deyr), ayaa…

Read More

Golaha Wakiillada Oo Joojiyey Cashuur Sharci-darro Ah Oo Wasiirka Arrimaha Guduhu Uu Dawladda Hoose Ee Hargeysa Ugu Jideeyay Inay Qaaddo Warshadaha Biyaha Iyo Sharaabka

Hargeysa 11. February 2017 (SDN/QJ):-Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa joojiyey cashuur uu Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) uu ku soo rogey Wershadaha soo saara Biyaha iyo Sharaabka, kadib markii Dawladda Hoose ee Hargeysa u soo gudbisay qorshe ay ku doonayso inay Cashuur cusub kaga qaaddo Wershadahaasi, halkii ay hore uga…

Read More