Madaarka Berbera, Haamaha Shidaalka Iyo Warshadda Sibidhka Oo Noqday Qaybta Ugu Dambaysa Mashaariicda Xukuumadda Siilaanyo Rabto Inay Ku Faasaxdo Imaaraadka
Hargaysa 02. October 2016 (SDN/QJ):- Iyada oo maalmihii ugu dambeeyey waftigii Madaxweyne Siilaanyo ee ku sugnaa waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabtu kulammo gaar gaar ah la lahaa masuuliyiin xukuumadeed, madax ka tirsan shirkadda DP-World ee dhawaan xukuumaddu heshiiska rasmi ah la saxeexatay iyo ganacsato kale ayaa la sheegay in lagu soo qaaday mashaariic dhawr ah oo…
