Dharoor June 06,2012(SDN)-Shirkada Shidaalka ee Horn Petrolium oo hore uga hirgelisay ceel degaanka Dharoor ee degaanka Puntland ayaa maanta shaacisay in ay ceel labaad ka qodayaan degaan aan ka fogeyn kii hore.
Ceelkii hore ee Shabeele ayaa qodaalkiisa waxa soo wejahay caqabad dhanka shidaal soo saarka ah.
Shidaalka oo gaabis noqday iyo dhegexaan is hortaagay riigii ceelka Shabeele qodayay awgeed ayaa iminka ceelkan labaad la qodayaa.
Ceelka cusub ee iminka la qodayo ayaa u jira kii hore ilaa 4KM waxaana Horn Petrolium ay ku rejo weyn tahay in kani uu noqdo mid muujin doona baaxada shidaalka degaanada ku jira.
Warkan oo ay soo saartay shirkada Horn Petrolium ayaa waxa lagu iclaamiyay hawshan baaxada leh ee ka socota degaanka Dharoor.
SDN-Dharoor
