Haargeysa (QJ) – Xukuumadda Somaliland ayaa soo saartay go’aamo lagu adkaynayo ammaanka magaalada Ceerigaabo iyo guud ahaan gobolka Sanaag.
Wefti ka kooban xubno sharci-dejin ah oo loo xilsaaray xasilinta Ceerigaabo ayaa go’aamiyay in amniga magaalada laga saaro ciidamada booliska oo kaliya, iyadoo dhammaan ciidamadii rayidka ahaa laga saaray goobtaas.
“Waftigii loo igmaday arrintan waxay go’aamiyeen in maanta laga bilaabo aan magaalada lagu dhex arki karin cid aan ka ahayn ciidamo loo idmaday oo hub sita. Ciddii lagu helo hub sharci darro ah ayaa laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan,” ayuu yiri afhayeenka wafdiga.
Weftigu waxa kale oo ay ku booriyeen dadkii magaalada ka qaxay inay dib ugu soo laabtaan, iyagoo ku nuux-nuuxsaday in Ceerigaabo ay hadda nabad tahay, isla markaana aanay jirin sabab ay uga fogaadaan guryahooda.
Sidoo kale, weftigu waxay dadweynaha reer Ceerigaabo iyo guud ahaan gobolka Sanaag ugu baaqeen inay ciidamada ammaanka kala shaqeeyaan ilaalinta nabadda iyo xasiloonida.
Xaaladda nabad-gelyo ee magaalada Ceerigaabo ayaan la hubin ka dib markii ay isku dhaceen ciidamada Somaliland iyo ciidamada SSC-Khaatumo, kaas oo sababay barakaca dad lagu qiyaasay 45,000 oo qof.
Waxaa jirta cabsi laga qabo in markale dagaal uu soo cusboonaado iyadoo dhawaan qaar ka mid ah beelaha dega Sanaag iyo Sool ay ku baaqeen dagaal hor leh. Waxa kale oo uu horjoogaha SSC-Khaatumo ku hanjabay inuu Ceerigaabo maamulkiisa hoos geyn doono.
Gobolka waxa hadda marti ku ah ciidamada Somaliland, maleeshiyo beeleedyo, ciidamada SSC-Khaatumo iyo ciidamo kale oo beeleed. Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay inay jecel yihiin in wada hadal lagu dhameeyo xiisadaha taagan, isagoo dhanka kalena sheegay inay diyaar u yihiin inay difaacaan Somaliland haddii khilaaf yimaado.
