Ceelwaq (QJ) – Koox hubeysan oo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa afduubtay 5 ka mid ah maamulka tuulada oo ku socdaalayay inta u dhaxeysa Ceelwaaq iyo Mandheera, xilli ay howlo kormeer ah ku wadeen qeybo ka mid ah degmada Mandheera.
Taliyaha booliska ee konfurta Mandheera Mr. Julius Njeru ayaa xaqiijiyay afduubka.
Saraakiishan ayaa ka soo ambabaxay deegaanka Ceel-Gaduud, waxaana ay ku sii jeedeen degmada Ceelwaaq, sida uu sheegay Mr. Njeru.
Ciidamada ammaanka ee degmada Mandheera ayaa heegan buuxa la geliyey, waxaana socda howlgal ballaaran oo lagu soo badbaadinayo saraakiishan ka tirsan wasaaradda amniga Kenya.
Al-Shabaab ayaa baraha ay ku hadasho ku leedahay waxa ay ku sheegteen mas’uuliyadda afduubka shanta sarkaal ee ka tirsan maamulka Mandheera.
Guddoomiyaha gobolka Mandheera, Mudane Maxamed Aadan Khaliif, ayaa si kulul u cambaareeyay falkan, wuxuuna kula dardaarmay saraakiisha ammaanka inay xoojiyaan dadaallada lagu xaqiijinayo in si degdeg ah loo soo badbaadiyo maamulayaasha la afduubtay.
Afduubkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo maalmo ka hor la filayo in madaxweynaha Kenya Dr. William Arap Samoei Ruto uu booqdo degmada Mandheera.
