|

Xildhibaan C.qaadir Jirde oo Soo Bandhigay Lix Qodob oo ah Waajib tahay in Maxkamadda Distooriga ahi ku Dhegaysto Dacwada Xildhibaan Talyanle DAAWO

Hargaysa 12. August 2017 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde ayaa  soo bandhigay dhawr qodob oo Somaliland iyo dunida ka dhacay oo maxkamadda sare ee Somaliland u ogolaanaya inay dhagaysato dacwadda uu Talyanle u gudbiyay.

Cabdiqaadir Jirde wuxuu soo bandhigay 6 qodob oo kala ah:

  1. Doorashadii u dambaysay ee dawladaha hoose waxa jirtay in urur ka mid ahaa ururadii tartamayay cod dheeraad ah loo tiriyay dabadeedna uu helay xildhibaano, laakiin markii khaladkii la ogaaday codkii dheeraadka ahaa waa laga jaray, waxaana markaas soo baxay xildhibaano ururo kale ah oo markii hore lagu yidhi waad dhacdeen inay cadaato inay soo baxeen Tusaale ahaan Xildhibaan Cagayare oo ka tirsan golaha deegaanka Hargeysa. Qodobkaasi waa Tusaale.
    2. Waxa iyana jirtay in labada gole baarlamaan ay sannadkii 2004 is hortaageen in doorashada baarlamaanka lagu galo tiro koob la’aan iyo maamulkoo aan gobalada wada gaadhin, kuna ansixiyeen labada goleba aqlabiyad aanu madaxweyne ku soo celin karin goleyaasha. Go’aankii labada gole waxa uu Daahir Rayaale geeyay maxkamadda sare oo daadafeysay go’aankii labada gole ay isku raaceen.
    3. Waxa jirta agaasime guud oo uu Madaxweyne Siilaanyo magacaabay dabadeedna ay isku khaldameen nin kale. Nin ayaa si khalad ah xilkii ula wareegay oo xafiiskii fadhiistay, laakiin markii la ogaaday khaladkii waa la saxay, waxaana shaqadii qaranka qabtay ninkii sida saxda ahaa loogu magacaabay.
    4. Waxa iyana jirtay doorashadii 2003 in guddigii doorashadu soo saaray in UDUB uu KULMIYE dheeraa 80 cod, laakiin markii ay maxkamadda sare tagtay waxa soo baxday in UDUB dheeraa 285 cod oo markaas waxa la buriyay go’aankii guddiga doorashadu ku dhawaaqday, markii xaqiiqo taas ka duwan la helay.
    5.Waxa kale oo aynu ognahay nin Soomaali ah oo muddo laga joogo 40 sannadood ka hor lagu eedeeyay inuu nin dilay oo la xukumay oo dil lagu xukumay oo la dilay balse 50 sanno ka dib macluumaad cusub la helay oo ay maxkamadii tidhi ninkaasi muu dilin ninkaas, markaas magaciisii iyo milgihiisii iyo sumcadiisii loo soo celiyay, reerkiisina mag dhow la siiyay. Taasina waxay ku tusinaysaa khalad walba waa halka lagu qabto ee maaha Talyanle iyo Baashe way is gacan qaadeen oo isu bogaadiyeen, khaladku kuma xalaaloobo cid ayaa hambalaysay cid kale.
    6.Waxa dunida ka dhacda nin inta uu ciyaarihii olombikada bilad dahab ah helay oo ka bacdi khalad lagu ogaaday oo dabadeed dib looga qaaday biladii oo tartamihii uu ka badiyay halkiisii la keenay oo lagu bedelay.
    Markaas qodobadan iyo kuwo kaleba waxay inoo cadaynayaan in khalad kasta marka la ogaado la qabto oo dabadeed la saxo, maxkamaddana sarena ay waajib ku tahay inay dhagaysato oo ay ka garnaqdo dacwadda uu Talyanle u gudbiyay.

Comments are closed