Ciidamada badda Hindiya oo qabqabtay burcad bedeed reer Puntland

Garoowe (QJ) – Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Hindiya ayaa gacanta ku dhigay rag hubeysan oo dhawaan xeebaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal ku afduubtay dooni kaluumaysi oo laga leeyahay dalka Yemen.

Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo dhanka sirdoonka ah, markabka dagaalka ee Hindiya ayaa gacanta ku dhigay 8-qof oo hubeysan oo maalmo ka hor afduubtay markabka kalluumeysiga.

Afduubayaasha oo dhammaantood ka soo jeeda Puntland, ayaa subaxnimadii hore ee saakay weerar ku qaaday markab kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Hindiya, xilli ay marayeen biyaha ka baxsan dhulka Soomaaliya. Markabka Hindiya ayaa ku baaqay gargaar deg deg ah, taasoo keentay in si degdeg ah uga jawaabo markabka dagaalka.

Wararka ayaa sheegaya in kooxaha afduubka geystay oo markii hore gacanta ku dhigay dooni kaluumeysi oo laga leeyahay dalka Yemen, ay doonayeen inay weerar kale ku qaadaan markabka Hindiya, balse la qabtay. Ciidamada badda Hindiya ayaa hadda la wareegay doonidii kalluumeysiga ee la badbaadiyay.