|

Ciidamada Itoobiya Oo Nolosha Ku Gubay Shacab Soomaaliyeed Oo Ku Dhaqan Gobollada Dhexe Ee Soomaaliya

Gaalkacyo, 30,4,2016 (QJ/SDN) – Dagaal maalmihii lasoo dhaafay ku dhex maraayay deegaanno ka tirsan maamulka Galmudug ee gobollada dhexe ee Soomaaliya ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya [Liyuu Boolis] iyo dad shacab ah oo halkaasi ku dhaqan ayaa sababay khasaare naf iyo maalba leh.

Dagaalkan oo halkaasi muddo ka socday ayaa sidoo kale waxa uu sababay barakac xooggan kaasi oo dadkii ku dhaqnaa deegaannada uu dagaalku ka dhacay ay ka qaxeen.

Dagaalka ayaa intiisa badan waxa uu ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Dac-dheer oo ka tirsan Gobolka Gal-gaduud ee gobollad dhexe ee Soomaaliya.

Dhanka kale, Dadka deegaanka ee ku dhaqnaa halkaasi ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ee halkaasi kula dagaallamay dadka shacabka ahi ay nolosha ku gubeen dad waayeel ah iyo Guryo, iyagoona maamulka deegaannadii lagu dagaallamay ay la wareegeen ciidamada Itoobiya.

Ciidanka Itoobiya ayaa sidoo kale la sheegay in ay nolosha ku gabeen caruur yar yar oo ku nooleed deegaanka Dac-dhee kuwaasi oo guryihii ay ku jireen lagu dul gubay.

Dhacdadani ayaa haddii la xaqiijiyo noqonaysa mid aad u xun isla markaana meel ka dhac ku ah xuquuqda aadamaha iyo guud ahaanba xuquuqda shacabka Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii, madaxweynaha maamulka Gal-mudug Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa la sheegay in ay caawa gaadheen magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya iyadoona ujeedada safarka madaxweynaha lagu sheegay sidii ay dowladda itoobiya ugala soo wada xaajoon lahaayeen dagaalada dhex maraya ciidanka itoobiya iyo shacabka Galmudug.

https://www.youtube.com/watch?v=TPYSc90DVAw

Comments are closed