Uncategorized

Ciidamada Kenya oo walxaha qarxa ka helay xero Qaxooti

Ifo Jan 06,2012(qurbejoog.com)-Booliska dalka Kenya ayaa shaaciyay inay guul ka soo hooyeen baaritaano ay indhawaalaba wadeen oo la xidhiidha qaraxyo dad badani ku dhinteen oo ka dhacay degaanada xadka la wadaaga Soomaaliya.

Booliiska ka hawlgala xerada qaxootiga ee Ifo ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen shixnad walxaha qarxa ah oo lagu keydinayay aqal halkaa ku yaal.

Booliska oo soo bandhigay walxahan qarxa ayaa sidoo kale sheegay in ay qabqabteen dhawr dumar ah oo gela aqal ku dhaw halka miinooyinkan laga helay.

Boolisku waxa ay sidoo kale sheegeen in ay wadaan baaritaano dheeri ah oo lagu soo qabqabanayo dadka ka danbeeya weeraradii u danbeeyay ee ka dhaca guddaha Kenya.

 

Qurbejoog-Ifo

contact@somalidiasporanews.com