Ciidamada Puntland iyo Galmudug oo hawgalo ka fuliyay Gaalkacayo

Gaalkacayo (QJ) – Ciidamada xasilinta ee dowlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa xalay howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay xaafadaha kala duwan ee magaalada Gaalkacyo.

Ciidamadan oo ka kala socday labada maamul, ayaa waxay ka muuqdeen goobaha muhiimka ah ee magaalada, iyagoo xaqiijinaya nabadda iyo ammaanka.

Saraakiisha hogaamineysa howlgalkan ayaa sheegay in hadafkooda uu ahaa sidii amaanka magaalada loo sugi lahaa, kadib caqabado hore oo dhanka amaanka ah, gaar ahaan falal ay geysteen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa si gaar ah u bartilmaansaday xaafado ay ka jirto walaaca ugu weyn ee dhanka ammaanka.

Howlgalka ayaa la rumeysan yahay inuu jawaab u yahay dhaq dhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab ay ka wadeen magaalada Gaalkacyo, kuwaasi oo saameyn badan ku yeeshay deegaano gaar ah.

Waxaa la sheegay in Al-Shabaab ay inta badan falal amni darro ah ka geystaan ​​qeybo ka mid ah magaalada, taasi oo sii xumeyneysa ammaanka guud ee deegaanadaasi.

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa horay ugu heshiiyey in ay iska kaashadaan sidii nabad iyo xasilooni loogu soo dabaali lahaa magaalada Gaalkacyo oo u dhaxeysa labada maamul. Heshiiskan ayaa qeyb ka ah dadaallada ballaaran ee lagu xoojinayo ammaanka magaalada.