Hargeysa (QJ) – Madaxweynaha Somaliland, C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro), ayaa maanta magacaabay xilal muhiim ah oo si weyn loo wada sugayay tan iyo markii uu xilka la wareegay Madaxtooyada Somaliland.
Madaxweyne Cirro waxa uu Taliyeyaal cusub u magacaabay Ciidammada Millateriga iyo Booliska, ka dib markii uu xilalka ka qaaday Taliyayaashii hore, kuwaas oo intii ay Maamulkii hore ka hayeen ku kacay falal halis ku ah Nolosha Madaxweynaha hadda talada haya.
Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Gaas Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan Allaale oo loo yaqaan Cabdi Dheere ayaa isna loo magacaabay.
Madaxweynaha ayaa la-taliyayaal u magacaabay Nuux Ismaaciil Taani iyo Maxamed Aadan Saqadi oo hore u ahaa Taliyeyaasha Ciidamada Milatariga iyo Booliska.
Sareeye Gaas Nimcaan Yuusuf Cismaan Gaaxnuug oo ka mid ahaa saraakiisha da’da yar ee darajada ciidamada ayaa loo magacaabay taliyaha cusub ee ciidanka qaranka.
