Boorame, 19 Jan 2015 (SDN/QJ)-Maayarkii hore ee gobolka Awdal Cabdiraxmaan Shide Bile oo ka tirsan kooxda Suldaan Wabar, ayaa sheegay inay doonayaan inay gaadhaan deegaanka Baki ee gobolka Awdal, wuxuu ku sheegay in toddobaadyadii la soo dhaafay ay mar weerareen ciidamada Somaliland.
Cabdiraxmaan Shide Bile wuxuu yidhi “Ciidamadaydu waxay weerareen saldhig ka mid ah, saldhigyada maamulka Somaliland, oo ciidanku cidkasta oo ka soo horjeesata wuxuu ku dhufan doona dhirbaaxo kulul.Balse ciidamadaydu waxay hadh iyo habeen heegan ugu jiraan sidii cadowga ku soo duulay uga horti lahayeen oo ay ummad ugu noolan lahayd badhaadhe iyo degnaanaansho.”Ayuu yidhi Maayarkii hore ee Boorame Cabdiraxmaan Shide waxaanu hadalkiisii sii raaciyay “Hoggaankaygu wuxuu rajaynayaa in meelkasta oo ka mid ah gobolka awdal oo istiraaji ah, laga samayn doono saldhigayo, hawgu weynaato magaalada Baki oo aanu ka samaysanayno saldhig weyn oo aan cadawga soo duulay aanu kaga hortagno.”
Sidoo kale, ninkaa maayarka ka ahaan jiray wuxuu farriin u diray dadweynaha reer Boorame “Dadku waa dadkeenii, oo dhinac walba dedaalada way ka waddaan, maalinbaa maalinta ka dambaysa hoggaanku wuxuu sii xoogaysanayaa.Waxaanan dadweynaha ku wargelinaya cidkastaaba inay ka qaybqaadato dedaalada lagaga hortagayo cadowga soo weeraray gobolkeena, islamarkaana qofkii maaliyad kaga qaybgalaya iyo qofkii wax kale kaga qaybgalaya, waxaanu leenahay gacmo furan ku soo dhawoow.”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Shide Bile
Ninkaasi wuxuu intaa ku ladhay in aanay dawlada Itoobiya wax cadaadis ah ku haynin hoggaankooda, waxaanuu yidhi;“Anigu waxaanu ku kalsoonnahay dalkayga iyo dadkayga, wax ay noo dhimaysaanna ma jirto, oo dawlada itoobiya waa walaaladayo oo wax dhibaato ah naguma hayso, anaguna kuma hayno, oo wixii iyaga u cadow ahi, anagana waa noo cadow.”
Boorama SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
