|

Ciidamadii Muuse Biixi oo fadhiisimo muuhiim ah lagala wareegay iyo suaalo layaab leh oo uu la shir yimi

Hargeysa July 18, 2023 (QJ) – Ciidamada Muuse Biixi ka amarqaata ee ku sugan degaanada SSC ayaa maanta jab kala kulmay dagaal saacado socday oo ka dhacay duleedka bari ee magaalada Laascaano.

Dagaalka maanta oo ahaa kii u kululaa ee ka dhaca aagaa todobaadyadii u danbeeyay ayaa waxa ka dhashay khaasre baahsan oo intiisa badan soo gaaray dhalinta Muuse aagaa isugu geeyay.

Dagaalka ayaa khasaaraha ka dhashay lagu sheegay in uu isgu jiray dhimashada saraakiil iyo askartii ay wateen oo tiradoodu kor u dhaaftay boqol iyo aagagii Maraaga oo intooda badan laga qabsaday.

Halka tiro intaa aad uga badani ay dagaalka ku dhaawacantay, sida naloo xaqiijiyay.

Talo xumada dagaal ee Muuse oo gilaafatay dhalinyaro ayaa u badan kuwa degaanada Bariga Somaliland ka dib kolkii uu Muuse dagaalka ka saaray intii badneyd ciidamadii iyo saraakiishii ka soo jeeday degaanadiisa.

Degaanada maanta lagala wareegay ciidamada Muuse Biixi ayaa halbowle u ahaa dhufeyska Goojacade oo looga gurman jiray, waxaana haatan ku haray gacanta Muuse wado qura oo gashay Hoga Goojacade.

Muuse ayaa la sheegay in uu xalay dhabanada is hayay Xaafadtooyada ee daanta Galbeed ee Hargeysa, isaga oo weydiinayay lataliyeyaashiisa waxa kale ee uu qaban karo, bacdamaa uu sheegay hanti wixii uu hayay in uu ku bixiyay dagaalka.

La taliyeyaashiisa oo qaar ilo wareedyo u waramay ayaa la yaabanaa sida aanu Muuse u hadal heyn dhalaankooda meesha ku qurbaxaya iyo sida uu isu xijinayo hantida dalka oo dhan laga soo ururiyo.

Si kastaba ha ahaatee, waxa muuqda in ciidamada Jamahiirtu ay maalinba maalinta ka danbeysa ay sii xoogeysanayaan halka kuwa Muuxe Biixi soo ururiyayna ay awoodoodu sii wiiqmeyso.

 

Comments are closed