|

Madaxweyne Xasan oo Jowhar Booqday balse aan guddaha u gelin

Jowhar July 18,2023(QJ)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiinta Hirshabeelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaan gudaha u gelin magaalada, waxaana la filayaa in garoonka diyaaradaha uu kulan ku dhexmaro Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Hirshabeelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magaalada Jowhar u tagay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan maamulka Hirshabeelle iyo sidii xal nabadeed looga gaari lahaa colaadaha ka dhex aloosan beelaha dega Hirshabeelle.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale booqanaya magaalada Jowhar si uu ugu kuur galo sida ay u socdaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyadoo la doonayo in si rasmi ah loo bilaabo wejiga labaad ee duulaanka joogsaday.

Comments are closed