Boosaaso (QJ) – Ciidamada amaanka gobolka Bari gaar ahaan kuwa fariisinka ku leh magaalada Boosaaso ayaa xalay soo bandhigay qalab halis ah oo laga helay guriga nin ajnabi ah oo la dilay kadib markii uu damcay inuu aaso.
Waxyaabaha la helay ayaa isugu jiray qaraxyo, bambooyin iyo agabyo kale oo la rumeysan yahay in la doonayay in lagu weeraro shacabka iyo ciidamada ammaanka.
Taliska Booliska gobolka Bari ayaa shacabka ku dhaqan magaalada Boosaaso kula dar daarmay inay ka feejignaadaan, isla markaana ay soo sheegaan cid kasta oo ay ka shakiyaan oo wax u dhimi karta ammaanka magaalada.
Taliska ayaa ku nuux-nuux saday in howlgallada amni ee socda ay muhiim u yihiin ilaalinta nabadda iyo ka hortagga qorshayaasha ay maleegayaan kooxaha mintidka ah ee ka howlgala gobolka.
Sidoo kale, ciidamada difaaca Puntland ayaa maanta ku guuleystay inay soo ridaan laba diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah, kuwaasoo laga soo tuuray deegaannada ay maamulaan Daacish, laguna soo rakibay walxaha qarxa. Diyaaradahan ayaa la sheegay in la doonayay in lagu bartilmaameedsado ciidamada ammaanka, balse ciidamada ayaa ka hortagay isku daygaas.
Howlgalka ka dhanka ah argagixisada ee Puntland oo ay horkacayaan ciidamada Daraawiishta ayaa lagu sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay hoos u dhaceen weerarada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Hoos u dhacan ayaa muujinaya in awooddii shaqo ee Daacish ee gobolka si weyn loo wiiqay. Ciidamada amaanka ayaa wada dadaalo ay ku doonayaan in ay si buuxda gacanta ugu dhigaan kooxda Daacish iyo sidii looga hortagi lahaa weeraro kale oo ay maleegayaan maleeshiyaadka ku dhuumaaleysanaya gobolka.
Xalay saqdii dhexe ciidamada amaanka magaalada Boosaaso ayaa toogasho ku dilay nin ka tirsanaa kooxda Daacish oo doonayay in uu miino ku aaso gudaha magaalada.
Maleeshiyada, ayaa la xaqiijiyay inuu ahaa Ajnabi gacan saar la leh Kooxaha Daacish ee ka hawlgala Bari, waxaana la qabtay oo la dhex dhexaadiyay, sida ay sheegeen Saraakiisha ammaanka.
