Laascaanood oo yeelanaysa Garoon diyaaradeed

Mogadishu (QJ) – Hogaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane C/qaadir Axmed Aw-Cali ayaa maanta dhagax dhigay garoonka diyaaradaha ee magaalada Laascaanood.

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Soomaaliya Mudane C/qaadir Cabdi Warsame Digaale oo ka warbixiyay caqabadaha hortaagan iyo qorshaha Wasaaradda ee ku aadan Garoomada Diyaaradaha ee SSC-Khaatumo.

Dhismaha madaarka caasimaddu waxa uu qayb ka yahay is-xilqaanka bulshada ee lagu horumarinayo gobolka.

Ugu dambayntii, hoggaamiyaha ayaa u mahad-celiyay guddiga horumarinta caasimadda ee gacanta ku haya dhismaha garoonka.

Sidoo kale waxa uu shacabka SSC-Khaatumo ku amaanay sida ay mar walba diyaarka ugu yihiin ka qayb qaadashada horumarka deegaankooda, isaga oo tilmaamay in maamulkiisu uu ahmiyad gaar ah siinayo horumarinta iyo casriyaynta kaabayaasha dhaqaalaha.

Mashruucan iskaa-wax-u-qabsiga ayaa horay ugu guuleystay in la dhiso xarumo badan oo dowladeed iyo kuwo dadweyne.