|

Ciidammada Booliiska Oo Heegan La Geliyey Iyo Sababta Ka Danbaysa DAAWO

Hargaysa 12. August 2017 (SDN/QJ):-Ciidammada Booliiska Somaliland ayaa la geliyey Heegan Culus, maaddaama Dalku ku sii dhawaanayo Qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada.

Taliyaha Ciidammada Nabad-galyada Waddooyinka, ahna Afhayeenka Ciidammada Booliiska Gaashaanle Sare Faysal Xiis Cilmi oo Saxaafadda u faahfaahiyey ujeeddada Ciidammada loo geliyey Heeganka ayaa yidhi “Ujeeddada Ciidanka Heeganka loo geliyey waxa weeye in iyaga oo Ciidanku waajibaadkooda gudanaya, in haddana Ammaanka adkayntiisa la sii dardar-geliyo. Halkan (Hargeysa) oo keliya maaha ee Gobollada Dalka oo dhanna waa sidaas).

Comments are closed