|

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid oo Baylahda Qaranka Tusaale ugu soo qaatay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud

Hargaysa 12. August 2017 (SDN/QJ):-Hoggamiyaha UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa tilmaamay inay baylah tahay shaqadii qaranku, wasiiradii iyo agaasimayaashuna ku mashquleen dano u gaar ah iyo dano xisbi.

 

Md. Faysal, wuxuu baylahda qaranka tusaale ugu soo qaatay wasiirka hawlaha guud Cali Xasan Maxamed (Mareexaan) oo uu arkay isagoo murashaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE uga fasax qaadanaya hawlo qoys, halkii ay ka ahayd inuu hawlaha qaranka ee loo xilsaaray ka shaqeeyo. Faysal ayaa hadalkan ka sheegay furitaanka bilowga qaadashada kaadhka doorashada ee gobalka Sool oo uu khudbad ka jeediyay, waxaanu hadalkan oo aad u soo jiiday dadkii madasha fadhiyay uu Faysal yidhi “Wasiir ayaa la hadlaayay guddoomiye Muuse oo waxa uu ahaa Cali [Wasiirka hawlaha guud] oo waxa uu yidhi waan tagayaa oo inankaygii ayaa guursanaaya ee raali ahow, waxaan doonayay inuu yidhaahdo shaqo ayaa ii taala ee waan noqonayaa, shaqadii waa baylah ah oo agaasimayaashii ayaa socda, dadka gobalkan u dhashay garanaye kuwa galbeed ka yimi maxay u yimaadeen.”

Hadalkan ayaa soo jiitay dareenka dadkii xafladaas ku sugnaa ee Faysal Cali Waraabe ka hor hadlaayay oo sacab badan kaga jawaabay hadaladan.

Comments are closed