|

“Puntland Waxaanu Ku Heshiinay In Aanay Carqaladeyn Hawsha Qaadashada Kaadhadhka Cod-Bixinta…” Wasiirka Arr. Gudaha

Laascaanood 12. August 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka hadlay Amniga Gobollada Sool iyo Sanaag ee ay Sabtida ka bilaabmayso Qaadashada Kaadhadhka Cod-bixinta Doorashooyinka soo socda.

Wasiir Faratoon wuxuu sheegay inay jiraan Kooxo uu ku tilmaamay Fallaago oo uu sheegay inay dhibaato amni daro ka wadaan Gobollada bariga, waxaanu kooxahaasi u diray Digniin.

Sidoo kale, wuxuu Wasiirku sheegay inay Maamul Gobolleedka Puntland ku heshiiyeen in aanay dhinacooda uga imanin wax Carqaladaynaya amniga Gobollada Sool iyo Sanaag muddada ay ka socoto Qaadashada Kaadhadhku “Puntland waxaanu u sheegaynaa, oo  aanu horena uga wada-hadalnay,  oo aanu si wanaagsana iskula  af-garanay  dhawaan mar aanu  is-aragnay, in ay arrintaa ilaaliyaan, oo mudadda aynu kaadh qaadashada ku jirno sidii hore u dhici jirtay aanay dhicin inay na carqaladeeyaan”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay “Waxa kale oo jira kooxo falaago ah, oo aynu og nahay in ay meelo degaamadeena ka mid ah joogaan,  gaar ahaana dhinaca bariga. Kuwaa falaagada ahna waan u digaynaa, kama  daba hadhi doono, mana nabadgelin doono, meel kasta oo ay galaanba waan kaga daba tegaynaa. Waxaanan uga digaynaa in ay arrinta kaadh-qaadashada wax carqalad ah ku sameeyaan..” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland

Comments are closed