|

Garoomada Diyaaradaha ee Waddamada Usteraliya Iyo New Zealand oo Hakad Galay Kadib Markii ay Ciladoobeen Qalabka Lagu Baadho Baasaboorada

New Zealand 24. May 2017 (SDN/QJ):- Garoomada Dayuuradaha Dalalka Ustaraliya iyo New Zealand ayaa Mashquul weyn galay ka dib markii ay cilladi gashay qalabka lagu baadho Basaaboorada  iyo diiwaan gelinta macluumaadka  Rakaabka.

Shaqaalaha Garoomada dalalkaasi waxa Culays weyn ku keenay inay gacanta ku diiwaan geliyaan Rakaabka dhoofayaasha ah taasi oo keentay in waqti dheer ay Rakaabku ku cadilmaan Garoomada laba saacadood in ka badana ay ku qaadato inta la baadhayo lana diiwaan gelinayo macluumaadka Rakaabka.

 

 

Af-hayeen u hadlay maamulka ilaalinta xuduudka dalka Ustaraliya ayaa u sheegay Janalka SKY NEWS  in la baadhayo sababta iyo halka ay ka timi cillada qalabka baadhista Baasaabooradda iyo diiwaan gelinta macluumaadka Rakaabka  ku timi, waxaanu xusay in Garoomada dalalka kale qaarkoodna ay cilladan oo kale la soo deristay  Sida dalka New Zeland.

Comments are closed