|

Ciidanka Ilaalada Ee Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Cali Xaamud Jibril Oo Jidh Dil Garaacid iyo Qalab kala Wareegis ku sameeyay Laba Suxufi oo Duubay Mudaharaad lagaga soo Hor jeeday Gudoomiye Muuse Biixi

Qulujeed 14.February 2016 (SDN/QJ):-Wararka naga soo gaadhay Degmada Qolijeed ee gobolka Awdal ayaa sheegaya in wafti uu hoggaaminayo guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Bixii Cabdi ,ayaa goordhaweyd gaadheen degmada Qulujeed ee gobolka Awdal,waxaanay halkaasi kala kulmeen markii ay gaadheen mudahaarad lixaadle oo lagaga soo horjeedo imaatinkooda.

 

laba suxufiWaftigan ay horkacayeen labada kornayl ee KULMIYE ayaa markii ay gaadheen degmada Qulijeed ee gobolka Awdal shacabka ku dhaqani ku qaabileen mudaharaad balaadhan oo laga soo horjeedo imaatinkooda,waxaana xusid mudan in aanu waftigan la soco madaxweyne ku-xigeenka C/raxmaan Saylici.

Arintan ayaa ku soo aaday xili ay maalintii shalay ahayd diwaangelinta codbixiyaasha ka bilaamatay gobolka Awdal,isla markaanu uu waftiga xukuumadda caleenteedu cadaatay ee KULMIYE kala kulmeen gudaha Boorama wajigabax iyo mudahaarad aamusnaan ah oo lagu qaabilayey marka ay kormeerka ku samaynayeen goobaha ay diwaangelintu ka socoto.

Dhanka kalena waftiga uu hoggaaminayo Muuse biixi ee mudaharaadka liixaadka leh kala kulmay degmada Qulujeed,ayaa askartii la soctay jidh dil u geysteen laba weriye oo lagu kala magacaabo,Madaxamed Yusuf Bakayle oo ka hawlgala Tv-ga Star iyo weriye Khadar Cabdi Xasan ( Gurayte ) oo ka Hawgalaa Shabakada wareedka Oodweynenews, kuwaasi oo goob-joog ka ahaa  dhacdaasi mudaharaadka lagaga soo horjeeday waftiga Muuse Biixi,isla markaana duubay muuqaalada Mudaharaadka,waxaana la sheegay in amarka weriyayaasha lagu jidh diley uu bixiyey wasiirka xidhiidhka Golayaasha Qaranka Cali Xaamud Jibiriil “Cali Asqo”,isla markaana ay ciidamadu askartiisu ka qaadeen wariyayaashasi qalabkoodii,balse markii dambe laga soo furtaamiye,waxaana xusid mudan inay labada weriye la socdeen wafti uu hoggaaminayo guddoomiye Cirro oo horaya u sii joogay degmada Qulujeed.

Si kastaba ahaatee labada Kornalay ee Xisbiga KULMIYE hoggaamiya ayaa kala kulmay saaka dad weynaha ku dhaqan degmada Qulujeed ee gobolka Awdal mudaharaad Balaadhan oo lagaga soo horjeedo socdaalka ay saaka ku tageen Muuse iyo Maxamed Kaahin,

Comments are closed