|

Ciidanka Israa’iil ayaa 11 Toogasho ku Dhaawacay Bariga Qudus Kadib Mudaharaad dhacay

Gaza  24. May 2017 (SDN/QJ):- Toogashadan ayaa timid ka dib markii ay isku dhaceen Falastiiniyiin mudaharaadaysay iyo booliska Israa’iil, Falastiiniyiintan ayaa ka mudaharaadayey Falastiiniyiin cunto joojin ku sameeyey jeelasha Israa’iil, iyada oo cunto joojintu gashay maalintii 36-naad.

Boqolaal falastiiniyiin ah ayaa xidhay waddooyinka daanta galbeed, waxa kale oo albaabada loo laabay meheradii ganacsiga iyo dugsiyada, waxaan haawanaayey dhammaan magaalooyinka Falastiiniyiinta.

 

Sida ay baahisay wakaalada wararka ee Falastiiniyiinta ee Ma’an 1,300 oo falastiiniyiin ah ayaa maxaabiis ku ah jeelasha Israa’iil kuwaasi oo ku jira cunto joojin, dhinaca kalena guddiga la socodka maxaabiista ee Falastiiniyiinta ayaa ku baaqay maalin is-muujineed oo lagu tusaayo madaxweyne Maraykanka ee booqashada ku jooga Israa’iil si uu u arka arrimaha maxaabiista Falastiiniyiinta.

Comments are closed