|

Ciidanka Qaranka oo Ka Hadlay Warar sheegaya inay ku Ruqaansadeen Magaaladda Buuhoodle

Hargaysa 24. July 2017 (SDN/QJ):- Taliska Ciidanka Qaranka Somaliland,ayaa beeniyay war laga qoray oo lagu faafiyay qaar ka mid ah Maregaha Internet-ka, kaasi oo lagu sheegay in ciidanka qaranku ay u dhaqaaqeen gelitaanka gudaha magaalada Buuhoodle, waxaanay warbaahinta uga digeen Taliska Ciidanka Qaranku in ay ciidanka qaranka ka faafiyaan warar been abuur ah iyo in ay arrimaha ciidanak wax ka qoraan.

Qoraal  uu soo saaray Afhayeen u hadlay ciidanka qaranka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanka qatanku u taagan yahay gudashada waajibaadkiisa shaqo xilli kasta  iyo goob kastana ay ku jiraan  fulinta waajibaadkooda.

Qoraalka Afhayeenka u hadlay Ciidanka qaranka Somaliland oo faah faahsan ,ayaa u dhignaa sidan. “Ciidanka qaranku waa tiir dhexaadka jiritaanka qaranka Somaliland waxaanu Ciidanka Qaranku u taagan yahay markaska iyo goob kasta gudashada waajibaadkiisa qaran ee Dastuuriga ah taasoo aan ku xidhnayn xilli iyo saacad ama habeen iyo maalin  laakin markastaba ay ku jiraan.

Sidaa daraadeed marka hore ciidanka qaranku wuxuu beeninayaa warka ay qoreen qaar ka mid ah wabsaytyada wararka ku qora Afka- Soomaaliga ee ay ku sheegeen in ciidanka qaranka ee jiidda hore in ay u dhaqaaqeen in ay gudaha u galaan magaalada Buuhoodle,warkaas oo ah been abuur laga qoray ciidanka qaranka oo aan jirin,waxaanay ciidanka qaranku uga digayaan warbaahinta kala duwan in ay wararka noocaasoo kale ah ee been abuurka ah ka qoraan ciidanka qaranka.

 

Cidanka qaranku wuxuu ciidan u yahay guud ahaan geyiga Somaliand oo ay u taagan yihiin difaaciisa una uraan waxa ugu qaalisan ee qof ku deeqo oo  ah naftooda taasoo ah waajib saaran ciidanka qaranka. Haddaba waxaanu warbaahinta u sheegaynaa in aanay  ciidanka qaranka ka qori karin warar aan jirin,ciddii ku kacda ama caadaysata in ay ciidanka qaranka warar been abuur ah ka qortana waxaanu ka taaganahay in aanu sharciga u marno ka jawaabistooda.” Afhayeen u hadlay Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Comments are closed