|

Dawladda Ingiriiska Oo Ka Digay Dib U Dhac Mar Kale Ku Yimaadda Doorashada Somaliland & Waxay Ka Filayaan Sadexda Murashax Madaxweyne DAAWO

Hargaysa 24. July 2017 (SDN/QJ):- Safiirka Dawladda Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya iyo Somaliland oo booqasho ku jooga Magaalada Hargeysa, ayaa ka hadlay Doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay Somaliland ka dhacdo 13-ka Bisha November, 2017-ka.

Safiirka oo ka soo qayb-galay furitaanka Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo sannad walba hal mar lagu qabto caasimadda Somaliland, ayaa sidoo kale ka hadlay Arrimo khuseeya inuu isagu yahay Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya iyo inuu yahay Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Labada Dal ee Soomaaliya iyo Somaliland.

Safiirka uu u warramay Telefiishanada HCTV iyo SAAB, ayaa sidoo kale Wareysigiisa kaga digay in Doorashada Madaxtooyadu mar kale dib u dhacdo, maaddaama buu yidhi Shacabka Reer Somaliland ay ka niyad-jabeen Dib u dhacyadii hore.

Comments are closed