|

Maamul Goboleedyo Si Wadajir Ah Uga Soo Horjeestay Talaabo Ay Qaaday Dowlada Somalia (Akhriso)

Juba Land 26. July 2017 (SDN/QJ):-Sadexdda dowlad goboleed ee kala ah Jubballand, Puntland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si wadajir ah waxay u cadeeyeen inuu fashil ku dhamaaday Shir Kismaayo uga socday Madaxda Wasaaradda Boostada isgaarsiinta Soomaaliya iyo Wasaaradaha dhigeeda ah ee maamul goboleedyadan.

Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen ayey ku sheegeen in shirkaas uu ahaa mid maamul goboleedyada dalka lagala tashanayey sharciga Isgaarsiinta dalka.

Wasiirka boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ayey ku eedeeyeen saddexda Maamul goboleed in iyadoo uu weli socdo shirkaas wada tashiga ah uu baalmaray islamarkaana uu Baarlamanka horgeeyay sharcigii laga tashanayey ee Isgaarsiinta dalka.

War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen sadexdan maamul goboleed ayaa u qornaa sidatan:-

Comments are closed