Hargaysa 20.Nov 2014 (SDN/QJ)- Xukuumadda Somaliland,ayaa markii ugu horrasay daraasad ku samaynaysa tirade gaadiidka hayadaha dawladdu ay adeegsadaan,qarashka ku baxa iyo qaybta ay ku leeyihiin cidhiidhiga waddooyinka caasimadda Hargeysa.
Daraasadan waxaa kale oo lagu darsi doonaa sida ugu habboon ee lo yarayn karo ama wax looga qaban karo dhaqaalaha ku baxa gaadiidka hayadaha dawladda sidii loo koobi lahaa.
Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Cilmi Baadhista Somaliland, ayaa maanta bilawday Daraasad lagu eegayay tirada Gaadiidka Dawladdu adeegsato iyo Kharashaadka ku baxa.wasaaradda ayaa koox samaynaysa Cilmi baadhista u xilsaartay,taasi oo maalmaha soo socda tiro koobi doona gaadiidka Hay’addaha dawladdu isticmaasho ee Caasimada.
Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Cali Xaamud Jibriil, ayaa sheegay In muhiimada Cilmi Baadhistani tahay sidii loo Ogaan lahaa Xadiga lacageed ee Gaadiidka dawladda ku baxda, qaybta ay ka qaataan Saxmada iyo cidhiidhiga jidadka iyo in la helo Dariiqyo ka sahlan oo lagu dhimo dhaqaalaha ku baxaya.
“Cilmi Baadhistan aanu maanta bilawnay waxay leedahay saddex u jeedo, Kow waa Inaynu Ogaano tirada gaadiidka Dawladdu Isticmaasho, Basaska ha ahaato,ha ahaato Gaadiidka yaryar ee ay ku yimaadaan,ha ahaato Baabuurta Dawladda ee GT-da ah ee Hay’addaha Dawladdu Caasimada ku isticmaalaan.
Arinta labaad oo ah inaynu Ogaano Gaadiidkan badan ee Dawladdu isticmaalayso Qiimaha ay inagu taagan yihiin, sida Shidaal, Darawalada wada iyo guud ahaan qiimaha ay inagu taagan yihiin,iyo sida ay Saamayn ugu leeyihiin Samxadda iyo Cidhiidhiga jidadka, iyo Xaddiga ay ku darsadaan Wasakhaynta hawadda.
Arinta Saddexaadna waxa weeye Najiida ka soo baxda Baadhistan inay noqoto Xaaladda iyo talooyinka laga bixinayo oo dawladda la yidhaahdo talaabadan tanaa ka fiican, tusaale ahaan haddii Shidaalka Baabuurta,Soo iibintooda iyo kharashaadkoodu uu Malaayiin ku kaco oo aynu helno hanaan kale oo ka sahlan oo Baabuurta basaska ahi Shaqaalaha soo wada guraan qaabkaasina ku kaco 5 Boqol dee Lacagtaas dheeriga ah meel ka haboon ayaynu ku buuxinaynaa” ayuu yidhi Wasiirku.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
