|

Cirro oo ku hawlan sidii uu taageereyaashiisa ugu qancin lahaa ka qeybgalka Doorashada Ururada

Hargeysa July 20, 2023 (QJ) – Sida ay ku soo waramayaan ilo wareedyo ka agdhow musharaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani ayaa ku mashquulsan sidii uu taageereyaasha xisbigaasi ugu qancan lahaa aqbalaada in Waddani ka qeyb galo doorashooyinka ururada ee qabsoonkooda aan lahubin.

Cabdiraxmaan Cirro iyo guud ahaan madaxda mucaaridka dalka ayaa hore ugu guuldareystay in ay xilkooda mucaaridnimo gutaan, balse tan ayaa u muuqata tilaabadii u danbeysay ee xisbiyadaas iyo taageereyaashoodu ku kala bixi lahaayeen.

Mucaaridka khaastan Waddani ayaa u kala jaban laba garab, oo midi qaadacay dhamaan goaamada Muuse Biixi dhankiisa ka soo baxa, halka qaar ka kalena kolba dhan u yaacaan.

Iminkana waxa muuqata in mar kale Xisbiga Waddani iyo taageereyaashiisa dhabta ahi ay ku kala argti duwan yihiin ka qeybgelida doorashooyinka ururada ee dhawaanta Muuse Biixi fasaxay.

Gooanka ka qeybgalka Doorashooyinka Ururada ayaa ah derbigii u danbeeyay ee jiritaanka Waddani, oo hadii Cirro qaato ka qeybgalka doorashada aanu ka soo kaban doonin, bacdamaa aaney jirin wax Muuse ka horjoogsanaya in uu reebo.

Sidoo kale waxa taageereyaasha u kala cadaaneysa in hogaamiyeyaasha Mucaaridku markii horeba ahaayeen shaqaale HEEGO iyo in ay ka dhab aheyd rabitaanka xilka dalka u sareeyay.

Tan ayaa ay kal cadaan doontaa marka Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro ay cadeeyaan mowqifkooda doorashooyinka ururada aan sharciga loo heyn ee Ururada.

Musharax Cirro ayaa la sheegay in uu abaabulayo madaxdhaqameed goaankan u fududeeya ku dhawaaqidiisa, ka dibna uu mar kale ku muusanaabo in uu kiyoo dalka iyo dadka u turaya uu qaatay goaan kale oo Muuse Biixi ka soo yeeray.

Cirro ayaa sidoo kale la sheegay in ay si isdaba joog ah ugu soo dhacayaan hadalo ka imanaya dad mucaarid iyo taageereyaal isu muujinayay mudo oo hadana HEEGO hoosta kal shaqeysta, iyaga oo Ciro ku qancinaya in uu galo doorashooyinka.

Waddani ayaa hadii uu galo doorashada ururada sidaa ku noqonaya urur siyaasadeed uu mulkiyo Xirsi Xaaji Xasan oo sidii ugu fududeyd xisbi ula wareega.

 

Comments are closed