|

Muuse Biixi oo ka carooday in Mareykanku aanu hanbalyeyn qorshihiisa Dooroshooyinkanka

Hargeysa July 20, 2023 (QJ) – Saxiibada caalemiga ah ee Somaliland  ka taageera dhanka doorashooyinka oo aaney ka dhexmuuqan dawlada Mareykanka ayaa maanta war ka soo saaray goaankii sharciga baalmarsanaa ee uu Guddida Doorashooyinku ka soo saareen jedwelka Doorashooyinka ee ururada iyo madaxtooyada.

“Saaxiibada caalamiga ah (Austria, Denmark, Ethiopia, Ergayga Midowga Yurub, Finland, Jarmalka, Netherlands, Norway, Sweden iyo Boqortooyada Ingiriiska) waxay xuseen horumarka ay ku talaabsadeen Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland (NEC), kaas oo qeexaya wakhtiyada doorashooyinka xisbiyada siyaasadda ee December 2023 iyo doorashada Madaxtooyada ee November 2024. Waxaan garwaaqsanahay welwelka Somaliland ka taagan tahay muddada ay gaadhay heerkan. Waxaan hadda ku dhiirigelinaynaa dhammaan dhinacyada ay khusayso in ay horay ugu socdaan heshiis siyaasadeed oo aasaas u ah xasilloonida.” ayaa lagu yiri warka saaxibada

Saaxiibada caalemiga ah ayaa baaq u diray shicibka iyo dhinacyada siyaasada Somaliland, iyaga oo ku dhiirigeliyay in ay doorashooyinka ka qeybgalaan.

“Shacbiga Somaliland waxa ay ku baaqayaan in la helo fursad ay ku heli karaan xuquuqdooda dimuquraadiyadeed ee doorasho xor iyo xalaal ah, sidaa awgeedna aanay dib u dhac dambe ku iman horumarka doorashooyinkaas.
Waxaanu ugu baaqaynaa dhammaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda Somaliland inay dhawraan wakhtiga, taasoo ah hab lagu xaqiijinayo aqoonsiga dimuqraadiyadda Somaliland.” Saaxiibada caalemiga ah ayaa mar kale sidaa yiri.

Gunnaanadkiina waxa ay sheegeen in Baarlamaanku buuxiyo galdaloolada sharci ee ku gudben doorashooyinka dalka.

“Si hore loogu socdo, waxaanu ku dhiirigelinaynaa dhammaan dhinacyada ay khusayso, oo uu ku jiro baarlamaanka, inay si degdeg ah u xalliyaan gal-daloolooyinka farsamo, maalgelin, siyaasadeed iyo sharci ee GDQ” ayaa lagu soo gunaanaday hadalka ka soo yeeray dalalka war-saxaafadeedka ku bahoobay.

Waxase isweydiinta ugu badani aheyd intii ka danbeysay warkan ka soo yeeray beesha caalamka ayaa aheyd sababta Mareykanka oo Muuse Biixi uu ku bixiyay aduun faro badan sidii uu isaga iibin lahaa uu uga aamusay goaanka Guddida Dooroshooyinka ee mudeynta xiliyada doorosho.

Dad ka agdhow Madaxtooyada ayaa nala wadaagay in Muuse Biixi lahaa lacagihii ku baxay Mareykanka ama la lunsaday ama ay qaateen dad aan laheyn saameyn badan.

Muuse Biixi ayaa bulshada hore ugu sheegay tiroba dhawr jeer in Mareykanku aqoonsanayo isla markaana ciidamadiisu kireysanayaan isla markaana saldhig ay ka sameysanayaan Berbera.

Comments are closed