Uncategorized

C/kariim Guuleed: Mudo sanad gudaheed ah ayaa lagu tayeynayaa Ciidamada dowladda Soomaaliya

Baladweyne Feb 07 2013 (SDN)— Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in la tayeynayo ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed muddo koobana laga dareemayo isbedel dhinacyo badan leh.

Wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Xukuumadda Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in iminka uu socdo qorshayaal lagu tayeynayo ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay in sare loo qaadayo heerka nolosha,xirfada ciidanka iyo mida qalabka iyadoo uu sheegay in sanadkaan gudihiisa ciidamada xooga dalka laga dareemayo isbedel dhan waliba leh.

Wasiirka ayaa sheegay in Dowladdo dalka Soomaaliya wada shaqeyn la leh ay la galeen heshiisyo ku aadan horumarinta ciidanka xooga dalka Soomaaliya dhan waliba.

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa dhanka kale shacabka Soomaaliyeed wuxuu kula dardaarmay inay ka qeybqaataan dib udhiska ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed iyo sidoo kale dib udhiska guud ahaanba dalka Soomaaliya.

Xukuumadaan cusub ee dalka Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku celisay inay tayeynayso ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed si ay ugu filnaadaan sugidda dhanka ammaanka dalka Soomaaliya.

SDN-Baladweyne