|

CPJ oo Somaliland ugu Baaqday Inay Shuruud La’aan Ku Sii Dayso Suxufiga Burco Ku Xidhan

Hargaysa , 29 September, 2016-(SDN/QJ) :– Guddida caalamiga ah ee ilaalinta suxufiyiinta ee loo yaqaanno CPJ (Committee to Protect Journalists), ayaa xukuumadda Somaliland ugu baaqday inay sida ugu dhakhsaha badan shuruud la’aan ugu sii dayso Suxufiga Axmed Muuse Sakaaro, siday CPJ ku sheegeen qoraal ay maanta soo saareen.

cpjGuddida CPJ waxay sheegeen in Suxufiga Axmed Sakaaro oo ka shaqeeya shabakadda Rakaadnews online ay ciidanka Booliska Somaliland ku xidheen magaaladda Burco ee barriga Somaliland 25-kii bishan September, sida ay ka soo xigteen suxufiyiin iyo urur maxali ah oo ka shaqeeya ilaalinta xuquuqda aadamaha.

CPJ waxay baaqooda ku sheegeen “Guulleed Axmed Jaamac oo ah Guddoomiyaha Urur xuquuqda aadamaha ka shaqeeya, ayaa u sheegay CPJ in xadhiga Axmed Sakaaro uu ka dhashay maalmo uun ka dib markii uu daabacay naqdi la xidhiidha hadalkii ka soo yeedhay Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi uu ku lahaa inay takhalusi doonaan wax uu ugu yeedhay ‘budhcad saxaafadeedka.”

Sidoo kale waxay intaas ku dareen in Guulleed Axmed Jaamac, u sheegay CPJ in dawladdu aanay u soo marin habkii sharciga ahaa xadhiga Suxufigan, hase yeeshe ay weriyaha u sheegeen oo kaliya inay ku xidhayaan wixii uu qoray.

“Axmed Muuse Sakaaro wax dambi ah muu samaynin. Waxaanu cabiray uun fikirkiisa oo uu xaq u leeyahay,”ayuu yidhi Murithi Mutiga, oo ah wakiilka barriga afrika u qaabilsan CPJ, isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Dawladdu waa inay sida ugu dhakhsaha badan u sii daysaa Suxufigan (Axmed Sakaaro) isla markaana ay qaadaa tallaabooyin ay ku xaqiijinayso badbaadada dhammaan suxufiyiinta ee Wasiirku u hanjabay iyagoo shaqadooda gudanaya.”

“Guddoomiye Ku-xigeenka ururka suxufiyiinta Somaliland, ayaa Salaasadii u sheegay CPJ inaanay xukuumaddu sheegin xilliga ay Axmed Sakaaro sii daynayso. Wasiirka warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid, ayaa ka soo jawaabin Telefoon aanu u dirnay oo aanu kala hadli lahayn mowduucan,”ayaa lagu yidhi qoraalka CPJ. Waxaanay ku soo xidheen baaqooda. “CPJ waxay diiwaan-gelisay dhawr xad-gudub oo ka dhan ah madax-banaanida Saxaafadda oo ka dhacay Somaliland oo ay ka mid tahay inaan loo aabo-yeelin xadhiga wargeysyadda madaxa banaan.”

Xigasho Toosh

Comments are closed