|

“Wuu Istaagay Gebi Ahaan ba Qaadhaankii Dhismaha Jidka Wadada Ceerigaabo ee ay Dadku Bixin Jireen.”. Wasiir Cali Mareexaan DAAWO

Hargaysa , 29 September, 2016-(SDN/QJ) :– Qaadhaankii loo ururin jiray dhismaha jidka wadada Ceerigaabo ee gobalka Sanaag, ayaa gebi ahaan ba istaagtay tan iyo intii uu mas’uuliyadda dhismaha wadadaasi gacanta ku hayey wasiirka wasaaradda hawlaha guud iyo guryeynta jamhuuriyadda Somaliland Md.Cali Mareexaan.

CALI MAREEXAANWaxaana sidan afkiisa ka xaqiijiyey wasiirka wasaaraddaasi Md.Cali Mareexaan oo warbaahinta waraysi ku siiyey magaalada Hargeysa, isaga oo sheegay in gebi ahaan ba uu istaagay qaadhaankii jidka Ceerigaabo isla mar ahaantaana uu codsanaayo in gudo iyo dibad ba laga wada qeyb-qaato dhismaha jidkaasi oo sida uu sheegay maraaya meel gebo-gabo ah.

Dhanka kale, sida ay taariikhdu xusayso waxa kol hore haddaaya oo kale si xawli ah u socday ururinta iyo wacyi-gelinta qaadhaanka dhismaha Wadada Ceerigaabo oo ahayd wakhtigii uu gacanta dhismaha wadadaasi ku hayey wasiirkii hore ee wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md.Xirsi Cali X.Xasan.

DAAWO, muuqaalka wasiirka oo caddeynaaya in uu istaagay Qaadhaankii Wadada Ceerigaabo

Comments are closed