|

CRISIS GROUP oo ka digtay xasilooni-darada Somaliland wajahayso oo alShabaab ka faa’iidayso

Hargeysa. 11 November, 2022. (QJ)- Hay’adda Xasaradaha Dunida ee Crisis Group ayaa warbixin dheer kasoo saartay xaaladda siyaasadeed ee Somaliland iyo khilaafka cakiran ee jira imika.

Crisis Group waxay ku baaqaysaa in beesha caalamku ay xal u keento khilaafka jira, maadaama ay dhinacyadu hore ugu fashilmeen wada hadladii ay galeen.

Nabadda lagu keenay dhabaha adag ee Somaliland ayay hay’addu sheegtay in ay halis ku jirto wakhtigan marka ay daraasaysay xaaladda Somaliland.

Warbixinta waxa lagu xusay in doorashada madaxtooyada ee wakhtigeeda dhaaftay, muddo kordhintii guurtida, iyo doorashada ururada oo iyaduna u eg mid wakhtigeeda ay xuddun u yihiin khilaafka jira, iyadoo muxaafadka iyo mucaaradkuba ay eedaymo kala duwan is dhaafsanayaan.

Crisis Group waxay sheegtay in madaxweynaha Somaliland uu fursad ka dhex arkayo doorashada urruada oo soo horaysa , isagoo doonaya in uu qabto doorashada ururada kadibna ay soo baxaan xisbiyo curdin ah oo uu la galo doorashada madaxtooyada si uu uga guulaysto.

Hay’addu waxay intaa ku dartay in doorashadii dhacday sanadkii 2021 uu xisbiga Waddani baarlamanka kaga adkaaday xisbiga talada haya ee Kulmiye kadibna uu taxaaluf ay wada samaysteen xisbiga UCID, taas oo kor usii qaaday rejadda xisbiga Waddani ee ah in uu markanna ku guulaysto doorashada madaxtooyada ee Somaliland, sida lagu sheegay warbixinta hay’adda xasaradaha dunida ee International Crisis Group.

Hay’adda xasaradaha ee Crisis Group waxay ka digaysaa in xasilooni darro Somaliland ka dhacdaa ay fursad siinayso kooxda alShabaab oo imikaba gudaha Somaliland joogta sida warbixinta lagu xusay. Waxa ka mid ah bariga Sanaag iyo xubno Shabaab ah oo Hargeysa jooga marar kala duwana la xidhay, sida warbixinta lagus ehegay. 

Xasilooni daro iyo sika hor imaado ka dhasha khilaafka SOmaliland waxay fursad siinaysaa argagxisada gobolka, sida Crisis Group ay qabto.

Ugu danbayn Crisis Group waxay tibaaxday in muranka siyaasadeed ee Somaliland uu faraha ka baxayo balse weli ay fursadi jirto. Laba dhinac ayay soo jeediyeen in ay xal gaadhaan. Xisbiyadu in iyo xukuumaddu in ay xal gaadhaan ama Beesha Caalamku in ay xal ekento.

Comments are closed