Ceerigaabo 20.Jan 2015 (SDN/QJ)- Afar Caruur ah ayaa u geeriyootay Xanuunka Jadeecada oo ka dilaacay gobolka Sanaag in ka badan boqol Qofna waxa loo dhigay Cisbitaalka kadib markii ay soo ridatay jadeecadaasi.
Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) iyo masuuliyiinta caafimaadka ee gobolkaas ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaaladda Ceerigaabo waxay shaaca ka qaadeen in xanuunka jadeecadu uu ka dilaacay deegaanada gobolka Sanaag isla-markaana waxay sheegeen in ilaa Afar carruur ah ay u geeriyootay xanuunkaas, in ka badan Boqol iyo Toddobaatan qofna la dhigay cusbitaallada.
Guddoomiyaha gobolka Sanaag, Mr Ramaax oo ka hadlaya ayaa yidhi “ qeylo dhaan ayaanu direynaa heer qaran, heer gobol, diyaar garowga halkan ee gobol ahaan sidii aanu annaga iyo isuduweyaashu ballanqaadnay in marka koowaad gaadiidka dawladda oo dhan ay diyaar u noqdaan si ay uga qeybqaataan, waayo gobolkii oo runtii aad u kala fog. maadaama oo ay imika intan inagu marayso waa inaynu ku talogalnaa ugu yaraan saddex kun Afar kun oo jiifa (u jiifa jadeecada) ,waa in lagu talo galaa dawooyinkoodii, dhakhaatiirtii daweyn lahayd iyo gaadiidkii gurmadka” ayuu yidhi guddoomiyaha gobolka Sanaag
Masuuliyiintan dhammaantood, ayaa xukuumadda Somaliland ugu baaqey inay u soo gurmadaan gobolka, sidoo kalena waxay hay’adaha caafimaadka ugu baaqeen in gurmad deg-deg ah ay la soo gaadhaan gobolka Sanaag oo xanuunka Jadeecadu ka dilaacday qeybo ka mid ah.
Ceerigaabo SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
