Uncategorized

“Cukusow Meeshani Waa Beertayadii”,Maxaa ka Qaldan W/Warfaafinta? Q.2aad

Sida aynu qormadii tan ka horeysay aynu ku xusnay,marka la soo saaray go’aankii sadexda qodob ahaa,waxaa dhamaan samaaday hawlihii wasaarada iyo macnawiyaatkii shaqaalaha,niyada ay u hayeen shaqada ayaa noqotey mid ka muuqata shaqadooda,iyagoo laga bilaabo maalintaa  intooda badani ay u guddan jireen waajibaadkooda maalmeed si ka niyad sareysa siday ugu shaqeyn jireen maalmihii madoobaa ee soo maray wasaaradan.
Maalmaha madow waxaan ugu bixiyey wasaarada warfaafinta,
waxaa ragaadiyey muddada dhowr iyo labaatanka sano ah ay jamhuuriyadu la soo noqotay qaranimada EEX,QABYAALAD,NIN JACLEYSI,KU TAGRI FAL HANTI UMADEED IYO CADAALAD DARO BAAHSAN.
 
Hadaba maadaama ay sidaa hufan cadaaladii u hirgashay, maxaa khaldamay waa yaabe???
Qormadan waxaan isku deyi doonaa inaan tooshka saaro meesha uu qaloocu ka bilaabmay.
Qormadii hore waxaynu ku soo xusnay in gudi loo saaray Reform-ka cusub,waxaa ka mid ahaa guddidaas MAAREEYAHA TV-GA QARANKA MR.kHADAR C.GAAS.
 
Waxaan ku ibbo fureynaa  qormadan tuduc ka mid ah suugaantii Abwaan Qamaan Bulxan:
– Baadida ninbaa kula daydaya, daalna kaa badane
– Oon doonihayn inaad heshana, daa’in abidkaaye
– Dadkuna moodi duul wada dhashoon, wax u dahsoonayne
– Dala malaha aakhiro haddii, loo kitaab dayeye
 
Khadar Cali Gaas oo ahaa mareeyaha TV-ga qaranka, waxaa xilka loo dhiibay bishii Sept.2012, isagoo markii hore ku magacownaa maareeyaha tv-ga qaranka laanta UK.
Mudanahani muddadii uu ahaa madaxa Tv-ga qaranka laanta Uk, waxaa jiray shaqaale badan iyo weriyaal caan ah oo iskaga tegey shaqadii ay ka hayeen laanta UK ka dib markay wada shaqeyn kari waayeen.
Hadaynu dib u milicsano digreetadii lagu magacaabay masuulkan 1.da Sept.2012, waxaa ku lifaaqnaa xeerkii uu ku shaqeyn lahaa maareeyuhu sababta oo ah waxaa loo dhiibay xil markaa la abuuray oo aan hore u jirin.
Digreetadaas oo sumadeedu ahayd  ;No: JSL/M//XERM/249-1285/082012
Waxaa ku qeexnaa awoodaha iyo waajibaadka maareeyaha Tv-ga:
 
Q1aad.) Waa maareeye madax banaan oo mamula tv-ga qaranka
Q2ood.)Wuxuu masuul ka yahay baahinta wararka, barnaamijyada siyaasadeex,dhaqan ee qaran dal iyo dibadba.
Q3aad.)Waa maareeye siyaasad ahaan,kormeer ahaan,talo iyo tilmaan ahaanba hoos imanaya wasiirka wasaarada warfaafinta iyadoo uu warbixintana uu si joogta ah ula socodsiinayo wasiirka warfaafinta ama cidda uu wasiirku u xil saarto (lineMinister) .
 
Qodobkaas ugu dambeeya mudane khadar wuu iska indha tiray, markuu hawsha bilaabayba isagoo meelo badan ka sheegay in madaxweynuhu uu khalad iyo gaf ugu soo daray qodobkaas xeerka tv-ga qaranka, isla markaana uu isagu yahay ninka keli ah ee tv-ga wuxuu doona ka yeeli kara.
Hadaba wasiir Cukuse markuu maamulka qabtay, isla markaana uu bilaabay isbedelkii uu kala tashaday guddida uu ka midka ahaa Mr. Khadar, ayaa si deg deg ah waxaa uga hor yimid caqabado aad u tiro badan, waxaana ugu horeeyay maadaama aynu wasaaradan hore u sheegnay inay tahay wasaarad shaqaalaheedu sadex dalool inka badan ay ahaayeen caaglayaal ama magacyo aan jirin oo lacag lagu qaato,waxaa isla markiiba dhibku ka bilaabmay ragii faa’iidada ku heli jiray fadhiga iyo wasiirkii.
 
Mr.Khadar wuxuu ahaa nin labada dhinacba marba dhan ka soo jeesta intii hore,isagoo guddida ka mid ahaa, ayuu hadana dhanka kale ka wadey munaafaqad iyo kala fogeyn shaqaale weynaha wasaarada.
 
Wuxuu isku dayey in uu sameysto koox isaga taageersan oo ka mid ah shaqaalaha, isagoo ku soo xushay hab beelaysan oo aad u muuqda, wuxuuna ahaa nin ku faana tolkii iyo inuu isagu yahay ninka xaqa u leh kursiga Cukuse maadaama ay wasaaradani ku dhex taalo xaafada uu ka soo jeedo.
Arintan ayay sheegeen qaar ka tirsan shaqaalaha tv.ga qaranku inay bilaabatay markii loo soo magacaabay maareeyaha tv.ga qaranka Khadar Cali Gaas, isaga oo isla markiiba ku dhaqaaqay talaabooyin uu ku kala fogaynayo shaqaalaha tv.ga qaranka taasi oo keentay in xitaa tayadii wararka iyo barnaamijyadu ay hoos u dhaceen.
Waxaa dhacday tiro dhowr jeer ah in Khadar iyo shaqaalaha tv-ga ay isku qabteen arin shaqo, qofka ay  isku dhacaan wuxuu u adeegsan jiray dhallinyaro xaafada degen Idaacada) kuwaas oo shaqaalaha dibada ku sugi jiray markay soo rawaxaan, waxaa ugu dambeysay dhacdadii weriye Abiib gudaha wasaarada ay ugu soo galeen dhallinyarada xaafadu iyagoo rabey inay gacanta ula tagaan maadaama uu ka hor yimid amarka maareeyaha, (wariye Abiib Iman Xassan waa madaxa wararka ee tv-ga qaranka)
Taasi waxay ka mid ahayd awoodaha qarsoon ee uu ku hanjabi jirey maareeyuhu intaan xilka laga qaadin  .
Waxay dhamaan bulsho weynta Somaliland ka dheregsan tahay in wasaarada keli ah ee aan ilaayo imika la qarameyn ay tahay wasaarada Warfaafinta…Sabab..???
Khadar wuxuu ka fuulay salaanka madaxnimada isla xaafadii uu ku soo barbaaray, mana ogola in nin kale uu ku amro xaafadiisa, sidaa waxaa yidhi mid ka mid ah shaqaalaha wasaarada oo ka hor mudaharaadaya wasaarada horteeda bilowgii bishan May.
Hadaba ninka sidaa u dhaqmaya iyo wasiir Cukuse sidee ayey u wada shaqeyn jireen??
            
*Waxaro Ayaa igu Tumanayoo,Hadhbaan Lawadaagayaa*
 
wasiirku waa nin khibrad badan u lahaa mihnada saxaafada, taas ayaa u fududeeysay inuu u babac dhigo dhibaatada uu ku hayey inankan yar ee kadeedka ku hayey wasaarada muddada dheer.
Wuxuu khilaafku soo jiitamaba, waxay markii dambe gaadhay inuu Khadar dhallinyaro qaswadayaal ah ku soo fasaxo xeyndaabka wasaarada, kuwaas oo xataa ciidankii amaanka ee wasaarada soo jiidhay, si ay u muujiyaan awooda maareeyuhu ku leeyahay wasaarada iyo xaafada idaacada.
Dhamaan arimaha aynu kor ku xusnay iyo qaar kale oo badan markuu ku kacay mr.Khadar ayuu Madaxweyne Axmed M.M.Siilaanyo go’aansaday inuu xilkii ka qaado masuulkan sida khaldan u adeegsaday xilka loo dhiibay.
Ka dib digreetadii madaxweynuhu xilkii kaga qaaday masuulkan, waxaa bilaabmay galgalashadii iyo rafadkii uu rabey inuu ku baabiiyo wasaarada warfaafinta..
 
*Kuu gooddin meynee runtaa  lagu guddoonsiinne
 Guureysayaa ama aroor hore u guurtaaba
 Sii gurguurataa ama sidii leeb u gamantaaba
 Gelinkan tagtaa iyo beryahan sii galgalataaba
 Goror heensataa iyo bukaan go’a ka boobtaaba
 Masaajidyo gubtaa ama waayeel kibir garaacdaaba
 Dugsi guratayaa ama kitaab galal ka jeexdaaba*
 
 
 Xeeladaha uu adeegsadey maareeyuhu markii xilka laga qaaday iyo cidda uu garabka ka helay…La Soco Q.3aad
 
 
Allah ayaa mahad leh.
Qalinka Suxufi Sare
C/raxman Cali Xassan
Finland…