Boocame 05. February 2018 (SDN/QJ):-Cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa Maanta si balaadhan waxaa loogu soo dhaweeyay Degmadda Boocame ee Gobolka Sool.
Sida ay Wararku Sheegayaan Waxaa Markii Ciidanka Qaranka Cutubkiisan ka mid ah oo dhawaan la qarameeyay ay Degmadaasi gaadheen waxay iska hor imaad ku dhex maray Ciidan Taabacsan Maamul goboleedka Punt land Waxayna Wararku intaas ku darayaan inuu Jiro Khasaare labada dhan soo kala gaadhay.
