Uncategorized

Daahir Amiin Jeesow: Waa Diin Naceeb ayaan dhihi karaa waxa loolaayay caruur dhiganeysay dugsi kuyaalay Leego

Muqdisho Jan 17 2013 (SDN)– Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo lahaday Warbaahinta ayaa sheegay in falkii Ciidamo AMISOM ah ay ku dileen dad caruur dugsi dhiganeysay ay ku jiraan deegaanka Leego in ay uu yahay fal dhiinta looga soo horjeedo.

Daahir Amiin Jeesow ayaa tilmaamay in ay aad uga argagaxeen talaabadaasi naxdinta laheyd oo ay Ciidamada AMISOM sameeyeen, waxana uu intaasi ku daray in loo baahan yahay in baarintaan arrintaan lagu sameeyao.

Xidhabaanka ayaa intaasi ku daray in ay waajib tahay in si dhaqsiyo badan goobtii falkan ka dhacay ee ay kuyaaleen dugsiga iyo guryaha cooshadaha ka sameysan latago islamarkaana baaritaano lagu sameeyo dhacdadani.

“Waxaan dhihi karaa waa Diin Naceeb waxa loo laayay caruur dugsi ku yaallay Leego dhiganeysay, hadii la doonayo in wax laga qabto falkaasi foosha xun waa in meesha la tagaa oo baritaan la sameyaa.” sidaasi waxaa sheegay Xildhibaan Daahir Amiin Jeysow.

AMSIOM ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ay baaritaana ku sameynayso dhacdadii ka dhacayda deegaanka Leego ee gobolka Sh/hoose.

SDN-Muqdisho