|

“Waxaanu U Soo Joognay Niman Ku Jira Qolooyinka Xagjirka Ah Oo Deggenaa Guryaha Rag Masuuliin Ahaa, Oo Markay Hargeysa Ka Tageen Hawl-galkoodii Fuliyey…” Wasiirka Duulista Somaliland DAAWO

Hargaysa 29.April 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cumar Sheekh Maxamaed Faarax, ayaa sheegay inuu u soo joogay Dad ka tirsan Ururrrada Xagjirka ah oo Degganaa Guryo ay Magaalada Hargeysa ku leeyihiin Masuuliyiin ka tirsan Hay’adaha Qaranka Somaliland, kuwaasi oo markii ay Hargeysa ka tageen fuliyey Hawl-galo Nabadgalyo daro.

WASIIRKA WASAARADA DUULISTAWasiirka Duulista oo ka hadlayey Shir-jaraa’id oo Masuuliyiinta Madaarka Cigaal ee Hargeysa ku shaacinayeen Go’aamo Madaarka lagaga Mabnuucayo Soo dhaweynaha iyo Shirarka Jaraa’id ee Masuuliyiinta Qaranku ku qabtaan, ayaa sidoo kale inay jiraan Wasiirro iyo Xildhibaanno Shandadahooda ku soo iloobay Alaab, taasi oo aanu sheegin waxay ahayd, laakiin markay Madaarka ka dhoofayeen ee la baadhay laga helay.

 

Wasiirka oo Arrimahan u soo qaadanayey isla-markaana Tusaale uga dhigayey sida Ammaanka Madaarku Muhiim u yahay, ayaa yidhi, “Waxaanu u soo joognay Niman ku jira Qolooyinkaa Xagjirka ah oo Guryo Rag Masuuliin ahaa degganaa oo halkan Hargeysa inala degganaa, markii ay ka tageena hawl galkoodii fuliyey.”

 

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay, “Maalintaa haddii la waydiin lahaa Masuuliyiinta wuxuu odhan lahaa Adeerbaan u ahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Waxa jira Wasiirro iyo Xildhibaanno Shandadahooda ku ilaaway Alaab.”

Comments are closed