|

Qaramadda Midoobay Oo Markii Ugu Horraysay Ka Marag Kacday Qabsoomida Lix Doorasho Oo Ka Hirgelay Somaliland

Hargaysa 31.May 2016 (SDN/QJ):- Qarmadda Middoobay, ayaa markii u horaysay ka marag kacday horumarka ay Somaliland intii ay xoriyaddeeda kala soo noqotay wixii Somalia laysku odhan jiray Somalia, Islamarkaana waxay sheegtay in mudo 25 sanno Somaliland ka qabsoomeen lix doorasho oo kala duwan.,

Mr  Michael KeatingUqaabilsannaha Qaramadd Midoobay ee dalalka Somaliland iyo Somalia Mr  Michael Keating, ayaa warbixintiisa todobaadlaha ahayd oo uu Xafiiskiisa dalka Jabuuti Qaramadda Midoobay ku leeyay uu ka soo saaray kaga hadlay  dhinacyadda Siyaasadda, Gargaarka, Gabood Faraladda iyo Tacaddiga Caruurta iyo haweenka ee dalka  Somali uu ka soo saaray, waxa uu qayb kooban oo warbixintiisa ka mid ah uu kaga hadlay doorashooyinkii kala duwana ee sida nabadgelyadda iyo Dumquraadiyadda ah ugu guuleysatay inay qabsaddaan mudadii 25-ka Sanno ahayd ee ay xoriyaddooda Somalia kala soo noqdeen, waxaanu Ergaygu rajo weyn ka muujiyey inay doorashooyinka ay ta Madaxtimaddu ka mid tahay ee sannadda dambe ee 2017-ka loo balansan yahay ay Somaliland qabsan karto sidii looga bartay.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Somalia  ahna Madaxa Ergada ee Taageerada Qaramada Midoobay sii so labadan waddan Mr  Michael Keating  oo ka hadlaayay rajadda ay qaramadda midoobay ka qabto inay sannadda dambe Somaliland doorashadda Madaxtimaddu ka qabsoomi karto wuxu yidhi “Somaliland waxay hore u soo qabsatay lix Doorashooyin oo kala duwan 25-kii sanno ee la soo dhaafay ee ay gooni isu-taaga noqdeen, sida darteed waa la samayn karaa oo way qabsan karaan  doorashadda soo socota sannadka dambe”

Comments are closed