Uncategorized

Dad badan oo ku dhintay Rabshado Diimeydyo Ka dhacay Bartamaha dalka Nigeria

Taraba May 05 2013 (SDN)– Ugu yaraan 39-ruux ayaa ku geeriyootay 30-kalana waa ay ku dhawacmeen Rabshado diimeedyo ka dhacay gobolka Taraba ee kuyaalla Bartamaha dalka Nigeria.

Afhayeenka Ciidanka Booliska gobolkaai oo la hadlay Wakaalada Wararka ee AFP ayaa sheegay in Rabashadahu ay ahaayeen kuwo aad u xun oo sabab dhibaato balaaran waxaana uu intasi ku daray in ay bandaw ku soo rogeen meelaha ay wax ka dhaceen.

Dad deegaanka ah oo la hadalay wakaalada wararka ee AFP ayaa sheegay in Rabshaha ay sidoo kale sabaabeen in la burburiyo guryo iyo goobo ganacsi oo ay lahaayeen Muslimiinta iyo Kirishtanka kuwada dhaqan bartamaha dalka Nigeria.

Rabshadaha ku saleysan diinmaha ee ka dhaca dalka Nigeria ayaa waxa ay yihiin kuwo soo laab laatay waxaana muddoyinkii danbe ay ka dhaceeyeen  Magaalooyinka ay wadagaan Kirishtanka iyo Muslimiinta wadankaasi.

SDN-Taraba