|

Dad Gaadhaya Kontomeeye Oo Ku Dhintay Dalka Itoobiya & Halista Kor u Kaca Kacdoonada

Addis Ababa, 3 October, 2016-(SDN/QJ): – Tiro dad ah ayaa ku dhintay dalka Itoobiya, ka dib Is-jiidh ka dhashay Boolis kala eriyayay dad mudaharaad ka dhigayay goob lagu cibaadeysanayay.

bishoftu-oromiyaDowladda Itoobiya ayaa qirtay in dad ay ku dhinteen rabshad ka dhacday magaalada Bishoftu ee Gobolka Oromiya.

Weriyayaal ayaa arkay Meydad badan oo lagu daadiyay meel god ah, waxaana ilo wareedyo mucaaradka taabacsan ay sheegeen in dadka dhintay ay gaadhayaan 50 qof.

Rabshadda ayaa la sheegay in ay bilaabatay ka dib markii ay dad mudaharaad samaynayay ay horjoogsadeen khudbado ay odayaal ka jeedinayeen goob lagu cibaadeysto.

Dadka mudaharaadka samaynayay ayaa gacmaheeda oo is-dhaafsan kor u taagayay, taasoo astaan u ah dibed baxyada ay dhawaan wadeen qowmiyadda Oromada.

Rabshadaha dhawaan ka dhacayay Itoobiya ayaa salka ku haya qorshe ay dowladdu shaacisay November-tii hore, kaasoo caasimadda Addis Ababa loogu ballaadhinayo qeybo ka mid ah gobolka Oromiya.

Beeraleyda qowmiyadda Oromada ayaa ka cabsi qabay in tallaabadaasi ay ka barakicin doonto beerahooda.

Xigasho: BBC Somali

Comments are closed