|

Xisbiga KULMIYE oo Soo Bandhigi Kari Waayey Heerka Ay Gaadhsiisan Tahay Taageeraddiisa Qurbaha+Dhalliilahii Guddoomiyaha UK ee WADDANI oo Hal-Xidhaale Ku Noqotay KULMIYE

Hargaysa 03. October 2016 (SDN/QJ):-Xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE, ayaa tilmaami kari waayey heerka ay leeg tahay taageerada uu Xisbigaasi ka haysto qurba-joogta reer Somaliland ee ku nool dalka dibaddiisa, waxa kale oo ay ka gal-gasheen in uu soo bandhigaan Laamaha dibadda ee Xisbiga KULMIYE uu ku lee yahay dalalka dibaddiisa.

unnamedGuddoomiyaha golaha dhaxe ee Xisbiga KULMIYE Md.Jaamac Shabeel oo la hadlaayey Wargeyska Saxansaxo ee Hargeysa, ayaa isaga oo isku dayeeya in uu ka jawaabo dhalliilo Xisbigaas uga yimi guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee UK Md.Xuseen Aadan Cadde oo sheegayey in ay Xisbiga KULMIYE ka soo siffeeyeen dalalka qaaraddaha Yurub iyo Ameerika, waxa uu ku haftay in uu jawaab waafi ah ka bixiyo in ay ka xisbi ahaan tilmaamaan ama ay cabbiraan heerka ay gaadhsiisan tahay taageeraddooda Qurba-joogta reer Somaliland ee dalka dibaddiisa iyo weli ba sida oo kale Laamaha uu xisbiga KULMIYE ku lee yahay dalalka dibaddiisa, balse taa beddelkeeda waxa uu miciin bidey dedafayn iyo aflagaadooyin qaawan oo uu u geystay Xisbiga WADDANI iyo Mas’uuliyintiisa.

“Waxaasi waa faan ayaanu u aragnaa aan wax caqli ah iyo xigmad ku salaysnayn, waana iska hadal oo nin is faanshay waa ri’ is nuugtaybaa la yidhi, waanay soo bixi arrintaasi oo bishu hortiina ayey iman doontaa, nin waliba waxa uu isla hayana fagaaraha ayuu keeni, anagu waxba faani maynee waa la arki doonaa taageerada aanu Qurbaha ku leenahay”.Ayuu yidhi Jaamac Shabbeel

Jaamac Ismaaciil Cige Jaamac Shabeel, ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in xisbiga waddani aanuu hadalkaasi u wanaagsanayn loogana baahan yahay in ay ku hadlaan waxyaabo suurta gal ah sida uu hadalka u dhigay.

Md.Jaamac Shabbeel oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa laga dhex-dhadhansan karaa hadalkiisa in wakhti xaadirkan aanay ka Xisbi ahaan wax taageero ah ku haysan dalalka Qurbaha, isaga oo maaweelo ka dhigtay in Xisbiga KULMIYE uu taageeraddiisa soo bandhigi doono marka wakhtigeeda la gaadho.

“Xisbiga WADDANI xaqiiqada ku soo noqda ayaan odhan lahaa xaqiiqadu waa lagama maarmaane, hadii aad naftaada ku maaweeliso wax aan jirinna adiga ayey ku dhibaataysaa, haddii wax aan jirin aad iska dhaadhicisana hadhaw ayaad yaabaysaa, markaa xaqiiqada ku soo dhowaada ayaan leeyahay WADDANI, sidaas ayaa idinkana idiin wanaagsan, waxaana la arki doonaa taageeradayada wakhtigeeda.” ayuu yidhi Jaamac Shabeel.

 

Geesta kale, dhalliilahii dhinaca Qurbaha ee guddoomiyaha WADDANI ee UK uu u soo jeediyey Xisbiga KULMIYE, ayaa hal-xidhaale aan la fur-furi karin ku noqday Xisbiga KULMIYE iyo mas’uuliyiintiisa, waxaana ay tani muujinaysaa sida Xisbiga KULMIYE uu uga aradan yahay taageerada Qurba-joogta Somaliland.

Comments are closed